Mujaahid BOOBE; Halyey Ku Suntan Taariikhda Dahabka Ah Ee Shacabka Somaliland

Marka hore aan u mahadnaqo Alle, Mahadda Alle ka dib.. Aan toos ugu daadago dulucda maqaalkayga.
Sida laga warqabo madaxweyne Siilaanyo waxa uu xilkii ka qaaday wasiirkiisii ugu miisaanka cuslaa golaha xukuumada Md. Boobe Yuusuf Ducaale.
Xilka-qaadista wasiir Boobe waxa sababay is-afgaranwaa usbuucii ugu dambeeyay u dhexeeyay Wasiir Boobe iyo madaxweyne Siilaanyo.
Tan iyo intii wasiir Boobe loo magacaabay jagada wasiirka warfaafinta S/land waxa ay shacabka reer S/land soo dhaweeyeen magacaabidiisa maadaama oo uu yahay ninkii ku haboonaa ee ay tabaysay wasaarada warfaafintu.

Shakhsiyada Mujaahid Boobe
Mujaahid Boobe waa shakhsi ummadda S/land dhexdeeeda ku leh magac iyo milgo dhawr arimood dartood.
Waa ta koowaade, Boobe waa nin aqoonyahan ah oo qoraa ah isla markaana wasaarada warfaafinta aqoon dheer u leh ahaana xogyahii warfaafinta SNM iyo wasiirkii ugu horeeyay ee wasaarada warfaafinta Markii S/land lagu dhawaaqay 18 May 1991.
Waa tan labaade, Boobe ayaa ah shakhsi ku sifoobay daacadnimo, dhawrsanaan iyo la dagaalanka musuqmaasuqa iyo ilaalinta hantida umadda.
Waa ta saddexaade, Abwaan Boobe waa shakhsi mudakar ah, sumcad iyo sharaf ku dhex leh umadda, aan ku dhex milmin siyaasada cunfiga iyo cunsuriyada leh.
Waa ta afraade, Aqoonyahan Boobe waa nin ku caan baxay u adeegida dadka isagoo ahaa aasaasayaashii Akaademiga Nabadda iyo Horumarinta oo ka soo shaqeeyay xalinta xilaafaadka dalka.
Boobe ayaa lagu xasuustaa xilligii Kulmiye mucaaridka ahaa ee ay is-hayeen xukuumaddii hore ee UDUB in khilaafkii dalka ee gaadhay halkii ugu saraysay uu Boobe ahaa shakhsigii hogaaminayay ergadii ugu miisaanka cuslayd ee dhexdhexaadintaasi wadday markii dambena uu ku guulaystay in uu madaxweyne Rayaale iyo gudoomiye Siilaanyo isku keeno oo heshiisiiyo.
Boobe waa mujaahid u soo halgamay dalka iyo dadka, waxa uuna muddo aad u dheer ahaa xoghayihii warfaafinta ee ururkii SNM ee dalka xoreeyay, iyada oo Mujaahid Boobe lagu xasuusto shakhsiyaadkii hormuudka ka ahaa halganka dib u xoraynta dalka.
Boobe waxa lagu tilmaamaa in uu yahay Dictionary-ga ama Qaamuuska S/land leedahay ee taariikhda halgankii ururiyay ee leh meel loogu hagaago oo uu u sameeyay sida Website-kiisa la yidhaa Dharaaro.com oo halgankii iyo taariikhda dalka uu ku xafiday ama ku kaydiyay.
Boobe intaa waxa u dheer in uu yahay ninka kaliya ee ugu horeeyay cid buug qorta, buug tiro badana ka qoray arimaha siyaasada, suugaanta iyo bulshada.
Mujaahid Boobe ayaa lagu xasuustaa doorkii uu ka soo qaatay halgankii dib u xoraynta dalka, dib u dhiskii iyo yagleelidii haykalka dawladnimo, nabadayntii iyo dib-u-heshiisiintii beelaha Somaliland iyo shaqadii balaadhnayd ee samafalka iyo khayriga ahayd ee hay’ada uu madaxda ka yahay (Academy for peace and development) ay bulshada u qabatay.

Waxqabadkii Wasiir Boobe
Wasiir Boobe markii uu la wareegay talada wasaarada warfaafinta dhawr bilood ka hor, waxa uu markiiba bilaabay in uu dhaqaajiyo wasaaradaasi oo in muddo ah fadhiid ahayd. Waxa uu isbadal muuqda ku sameeyay qaab- dhismeedii wasaarada iyo bilicdii wasaaradu lahayd.
Waxa uu dhisay Hoolal waawayn oo wasaaradu yeelan doonto, Tv-ga qaranka oo uu gaadhsiiyay meelo aanu hore u gaadhin sida North America iyo qaybo Europe ka mida. Waxa uu Boobe dib u habayn iyo qalabayn ku sameeyey guud ahaan dhismayaasha iyo xafiisyada wasaarada. Booobe waxa uu kor u qaaday tayada iyo xirfada shaqaalaha oo liidatay, waxa aanu xafiisyada ka dhigay kuwo si buuxda u shaqeeya halkii markii hore ay ka ahaayeen goobo lagu qaylo. Wasiir Boobe waxa uu dalka ka hirgaliyay in uu keeno idaacadii muddada 21 sanno ah dalku sugayay ee ay ku guul-darraysteen wasiiradii isaga ka horeeyay. Waxa uu Boobe ka midho dhaliyay himiladii umadda ee ahayd in ay hesho idaacad caalamka oo dhan wada gaadha, waxa Boobe muddo ka hor hawada galiyay idaacadii cusbayd oo laga dhagastay wadamada Africa iyo Asia iyo qaybo ka mida Europe.
Boobe waxa uu noqday wasiirkii ugu horeeyay ee idaacadaasi dalka keena, rakiba isla markaana caalamka wada gaadhsiiyay.
Boobe waxa uu ahaa nin ku suntan qadiyadda S/land iyadoo lagu xasuusan doono sidii uu u caraabin jiray marka uu doodaha kala qayb galayo kuwo diidan qadiyada S/land ee uu banaanka u marin jiray , isagoo ku dari jiray aftahanimo iyo balaaqad dheeri ah.
Boobe, xukuumadda Siilaanyo ayaa si wayn u tabi doonta oo uu ka hayay xilka afhayeenka rasmiga ah ee xukuumada iyo wasiirul iclaamka.

Sababta Keentay xilka-qaadista Wasiir Boobe
Go’aamo wasiir oo Boobe soo saaray 27 August 2012ka, ayaa xilkii uu kaga qaaday Agaasimihii Telefeshinka Qaranka Ahmed Saleeban Dhuxul iyo Agaasimihii Wargayska Dawan Maxamed Cisman Mire (Sayid), kuwaasi oo ay dul hoganayaan fadeexado musuqmaasuq iyo fadhiidnimo shaqo.
Kulama dhawr ahaa oo ay gadh-wadeen ka ahaayeen madaxweyne Siilaanyo iyo Marwadiisa oo ay la qaateen wasiirkii warfaafinta  Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale ayay kaga dalbadeen in uu ka noqdo xil ka-qaadistiisa uu ku sameeyay Dhuxul iyo Sayid. Kulamadaasi ayaa noqday kuwo Madaxweyne Siilaanyo iyo Marwadiisu ku guul-darraysteen kadib markii Mujaahid Boobe si cad ugu sheegay madaxweynaha in aanu ka noqonayn go’aankiisii xilka qaadista ee uu ku sameeyay qaar ka mida agaasime waaxeedyadiisa, maadama wasiirku ku dooday in uu xaq u leeyahay in uu wasaaraddiisa ka sifeeyo cid kasta oo ku kacda musuqmaasuq, taasi badalkeedana waxa Boobe u sheegay Siilaanyo in uu ka door bidayo warqada istiqaalada oo loo keeno.

Qalinkii: Hamse Haaji Mohamed (Rantiisi)

Email: Rantiisi_15@hotmail.com