Mujaahid Axmed Mire oo Soo-dhaweyn ballaadhan loogu sameeyey Hargeysa

mireHargeysa (SLpost)- Mujaahid Axmed Mire Maxamed oo ka mid ah Saraakiishii hoggaaminaysay Halgankii ay Jabhaddii SNM ku xoraysay gobolladii Waqooyiga Soomaaliya ee Somaliland, ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, ka dib markii uu maanta ka soo degay garoonka diyaaraha Cigaal ee Hargeysa.

Waxaa soo dhawaynta Axmed Mire ka qayb-qaatay Xukuumadda talada haysa, Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI iyo Hoggaanka Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE, Saraakiil ay SNM ka wada-tirsanaayeen, Madax-dhaqameed, Siyaasiyiin, Dhalinyaro, Haween iyo Dadweyne kale.