Muj Xasan Ciise oo Lammaaneeyey Xukunkalagu Riday Masuuliyiinta Hubaal iyo Rasaastii lala Dhadhacay Taageerayaashii Xaqsoor

xaqsoor-1Hargeysa (Slpost)- Guddoomiyaha Ururka Xaqsoor ee Tartankii doorashada Goleyaasha Deegaanka ku hadhay Muj. Xasan Ciise Jaamac, ayaa xukunka lagula kacay Hawl-wadeennada Wargeyska Hubaal ku tilmaamay feker la mid ah Dhacdadii Ciidamada Ammaanku rasaasta nool u adeegsadeen taageerasha ururka.

Xasan Ciise waxa uu ku dooday inaanay bannaaneyn isla markaana aanay meesha oolin in Arrimaha Siyaasadda iyo Saxaafadda xalkooda laga raadiyo Sharciga, sida uu ku sheegay war-saxaafadeed uu Caawa Magaalada Hargeysa ka soo saaray.

Muj Xasan waxa uu war-saxaafadeedka ku yidhi sidan: “Waxaan halkan ku cambaaraynayaa xadhiga iyo ganaaxa la isugu daray maareeyihii iyo tifatirihii wargeeska Hubaal.

Waxay tani ka dambaysay weerarkii ay rag xukuumada loo tirinayaa ku qaadeen xafiiska Hubaal eey ku dhaawaceen mareeyaha Hubaal iyo xayiraadii lagu soo rogay wargeeska.

Waa fikirkii iyo aragtidii rasaasta nool ku furtay taageerayaasha Xaqsoor doorashada dabadeed ee qaarna ku dhinteen qaarna ku dhaawacmeen.

Talaabooyinkaasi waa kuwo sharciga iyo cadaaladaba ka baxsan . waxa weeye talaabooyin siyaasi ah oo saxaafada madaxa banaan lagu caabudhinaayo, shicibkana la iskaga horkeenayo.

Hore ayaan u idhi waa mamnuuc in sharciga la isku dayo in lagu xalilo arimaha siyaasada iyo saxaafada.

Waa dab iyo badrool  oo waa la kala ilaaliyaa. Labadii xukuumadood ee tan ka horeeyey waan fahamsiin kari weynay qodobadaas. Xukuumada imikuna mey garan. Iyada si ayuun bay ugu xuntahay siday kuwii ka horeeyeyba ugu xumayd. Saxaafada shaqadeedu waa laba arimood oo kaliya. Kaw,waa war  “fact”. Laba, waa rayi “opinion”. Labadaas ayuunbaa lagu qabsan karaa iyo mid saddexaad oo dhif ah.

Warka hadii saxaafadu qalado ama qaloociso, xalku waa inay saxdo marka ugu horeysa ee qaladkaas ogaato ama loo soo sheego.

Rayiga hadii la qoonsado,xalku waa in loo jawaabo,ooy jawaabta daabacdo.

Labadaas midna sharciga meeli uguma banaana. Ta sadexaad  ee iman karta waa wixii sameeya amniga dalka, khaasatan wakhti dagaal oo waa dhib waana gaar.

 

Wabilaahi Tawfiiq

Gudoomiyaha Xaqsoor

Xasan Ciise Jaamac