Muj. Cali-guray oo ka hadlay khilaafka Garabyada UCID, sharciyaddiisa iyo Cidda Saxsan

Hargeysa (SLpost)- Afhayeenka Xisbiga mucaaridka ah ee UDUB  Cali Maxamed Yuusuf Cali (Guray), ayaa markii ugu horreysay ka hadlay awoodaha Guddiyada Fulinta ee Xisbiyada Siyaasadda dalku leeyihiin iyo qaabka ay ku beddali karaan hoggaanka sare ee Xisbiga.

Cali Guray, waxa uu sheegay inaanay soddonkii sannadood ee u dambeeyey aanay Somaliland ka dhicin weli Guddi Fulineed oo tidhaahda waxaannu Xilkii ka qaadnay Guddoomiyihii Xisbiga, marka laga reebo wakhtigii SNM halganka ku jirtay oo uu xisay inay mar arrintaas oo kale ka dhacday.

Afhayeenka Xisbiga UDUB wuxuu walaac ka muujiyey fara-galinta lagu hayo xisbiga UCID  isaga oo arrinta ka hadalayaa wuxuu yidhi; “Qolada UCID  imika xaaladu xaalidii ma joogto , khilaafkoodu wuxuu leeyahay dhinac siyaasadeed wuxuu leeyahay dhinac sharci waxaanu leeyahay dhinac dhaqan. Qoladani waxay ku adkaysanayaan ee meesha la isku haysta waxa weeye guddiga fulintu guddoomiyaha ma ka qaadi karta xilka mise kama qaadi karto faysala waxa uu leeyahay igama qaadi karto inaguna dawaadayaal ayaynu ka nahay. Marka uu siyaasi yahay waxaa uu ku dhammaanayaa gudaha xisbiga, laakiin arrintan gudaha xisbiga way ka wayntahay waxay yidhaahdeen waxaanu la tagayna maxkamada.”

“Anigu ilaa hadda ma garanayo sida ay u garhelayaan , haddii caddaalada la sugayo sida uu sheegay  madaxweynuhu  waayo ma garanayo sida ay u garhelayaan. Laakiin hay’adda UCID u sarraysaa waa shirweynaha , shirweynihiina guddoomiyihii isaga ayaa doortay oo goladana awood umu siinin sow maaha in ay xilka ka qaadi karaan gudoomiyaha marka siday u garheli karaan garanmaayo.” Sidaa ayuu yidhi Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee UDUB Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Guray).

Somalilandpost.net

Hargeyska News Desk

Somalilandpost08@gmail.com

somalilandpost@yahoo.com