Muj. Cali Guray oo Afhayeenka Madaxtooyada ku eedeeyey inuu wado Dagaal-Siyaasadeed ka dhan ah Wasiirka Warfaafinta Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee UDUB Muj. Cali Guray ayaa Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Cabdillaahi Daahir ku eedeeyey Inuu dagaal siyaasadeed oo qaawan ku wado wasiirka wasaaradda Warfaafinta Md. Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe).

Muj. Cali Guray waxa uu sheegay in aan loo dul qaadan Karin weerarka siyaasadeed ee qaawan ee Cukuse  ku hayo Wasiirka Warfaafinta isaga oo tilmaamay inuu Cabdilaahi Cukuse ku soo hoos barbaaray Wasiir Boobe.

“Boobe Yuusuf Waa nin aqoon u leh qaybta Warfaafinta, waana nin kaalin weyn ka soo qaatay halgankii hubaysnaa ee dib u xoraynta dalka. Boobe si weyn ayuu u soo gacan-qabtay Cukuse.”

Afhayeenka UDUB waxa uu nasiib-darro ku tilmaamay in dagaallada siyaasadeed ee ku kacsan Wasiirka Warfaafinta uu qayb laxaad leh ku leeyahay Md. Cabdilaahi Daahir maadaama sida uu sheegay ay labada masuul si fiican isku yaqaanaan isla markaana wasiir Boobe Abaal badan ku leeyahay Afhayeen Cukuse.

“Boobe Investment (maalgelin) ayuu ku leeyahay Cukuse, mana ahaa ninkii maanta sidaa ula dagaalami lahaa,” ayuu yidhi Cali Guray oo Eedayntan ugu jeediyey Af-hayeenka isaga oo u warramaya Telefishanka Horn Cable TV.

Si kastaba ha haatee, waxa muddooyinkii ugu dambeeyey warbaahinta qaar ku soo baxayey dhalleecayn iyo cambaarayn laysku dayayo in sumcadda lagaga dilo isla markaana lagu horjoogsado waxqabadyada horyaalla wasiirka cusub ee dhawaan madaxweynuhu magacaabay  oo runtii aqoon u leh shaqada wasaaradda Warfaafinta, waxaana tallaabadaas loo aanaynayaa Afhayeenka Cabdilaahi Daahir oo kaashanaya ninka ay saaxiibka dhow isku yihiin Yuusuf Cabdi Gaboobe, iyaga oo tallaabadaas u samaynaya dahahooda gaar ahaaneed.

Maxamed Cabdi Aadan (Indho)

indho145@hotmail.com

SLpost News Desk

Hargeysa, Somaliland