MUDO KORDHINTA GUDIDA DIWAAN GALINTU WAXAY HOR DHAC U TAHAY KALA DIRISTA KOMISHANKA DORASHOOYIKA

Mudada xilka ee Komishanku waa 5 sano, oo ka bilaabmaysa marka Golaha Wakiiladu ansixiyo

Qalinkii Garyaqaan Muuse Yuusuf

 

Mudo kordhinta cusub ee Gudida Duwaan Galinta iyo ansixinta Asxaabtu Waxa Ay Khalkhal galinaysaa Qaabka Hawl Doorasheedyada, Marka aynu eegno Qaabka Hawled ee ay u hawl galaan Labadan Hay’adood ee {Komishanka Doorashooyinka Iyo Guddida Diiwaangelinta iyo Ansixinta Axsaabta} Waxa Kaliya ee Kulmin karaa waa Xiliga Tartanka Asxaabta Iyo Ururada ee lagu soo saarayo Xusbiyo Qaran, Xeerarka Ay Ku Shaqeeyana Way Kala Xadideen Shaqadooda iyo Awoodahooda.

Waxa uu Madaxweynuhu Yidhi

Markuu Arkay: Baahida loo qabo jirtaanka iyo sii socodka Guddida Diiwaangelinta iyo Ansixinta Axsaabta ee la xidhiidha waajibaadka loo xil saaray;

Isagoo Daliishananaaya

XEER NO:14/ Qodobka 3aad: Faqrada 6aad.

Guddidu waxay xilka haynayaan muddo (2) labo sano ah oo ka bilaabanta maalinta ay Maxakamada sare xilka u dhaariso.
Madaxweynuhuna waa u cusboonaysiin karaa hadii loo baahdo, iyada oo muddo kordhintaasi cusub laga ansixin doono Gollaha Wakiilada.

Gudida Duwaan Galinta Waajibaadkooda Qabyada ah ee Madaxweynaha u Muuqataa Maxay Tahay?.

Shaqadoodu Waxay Ku Ekayd Maalintii Ay Shaaciyeen Saddexda Xusbi Qaran Sidaas Darteedna Ma Muuqato Baahi Shaqo, Qabyo Iyo Sabab Kalifaysa Mudo Kordhin Leeg Mudo Xileedkii ay dhamaysteen.

Waxa Aynu Ognahay In Ay Doorashooyinka Inoo Qoondaysan Qabashadoodu Ay Yihiin Golaha Wakiilada iyo Madaxtooyada, Kuwaas oo ay qabashadooda iyo shaqadeedaba ay leeyihiin Komishanka Doorashooyinku oo aanay meelna kasoo Gali karin Guddida Diwaan Gelintu.

*Maxay qabanayaan 2 Sannadood ee loo Kordhinayo Guddida Diiwaan-gelinta Ururada Siyaasiga ah iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka.?

Waxaynu Jawaabtaas U Dhaafaynaa Ka Kordhiya Iyo Kuwa Ansixintooda Waa {Madaxweynaha &  Golaha Wakiiladee}.

Balse Waxa Aynu Aragnaa In Aanay Xeerarka iyo Qorshayaasha Ay Labadan Hay’aadood ku Shaqeeyaan aanay Sheegayn Ama Qorayn Inay Wada Hawl-galaan.

Waxa Iyaduna Warab ah Inay Komishanka Doorashooyinka Qaranka Ka Cimri dheeadan  Guddida Diiwaangelinta iyo Ansixinta Axsaabtu oo Ay Kaga Danbeeyan Shaqo Doorasheedka, Waxa Sharciyan ahayd in ay Komiishanku Shaqada Ku Danbeeyan, Bal eeg

Xeer No:14 Qodobkiisa 25aad Faqradiisa 6aad,  Xarfkiisa (V)

garyaqaan muuse yuusuf

*Marka mudo xileedka Gudidda Diwaan Galinta Ururada Siyaasada iyo Ansixinta
Xisbiyada Qaranka uu dhamaado waxaa shaqadooda la wareegaya Komishanka
Doorashooyinka Qaranka.

 

Balse Imika Waxa Komiishanka Doorashooyinka Ka Cimri Danbeynaaya Gudida Diwaan Galinta Bal Eeg
Xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada & Golayaasha Deegaanada (Xeer Lr. 20/2001) Qodobkiisa 11aad Faqradiisa1aad Xarafkiisa {C}
(C) Mudada xilka ee Komishanku waa 5 sano, oo ka bilaabmaysa marka Golaha Wakiiladu ansixiyo, waana loo cusboonaysiin karaa xilka.

24 October 2009 Bal Eeg Ayuu Golaha Wakiiladu Ansixiyeen Xubnaha Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Taas oo Noqonaysa In Mud-Xileedkoodu Ku Egyahay 24 Oct 2014  Taas oo Macnaheedu Yahay Waxa Mudo Xileedkoodi u Hadhay 1 Hal Sano oo Keliya.

Halka Ay Gudida Diwaan Galintuna Ka Cimri Danbeynayso 1 Sano Komishanka Doorashooyinka, Hadii ay Meel Marto Muddo Kordhinta 2 Labada Sannadood ah ee uu Madaxweynuhu Soo Saaray, oo ah Tan

Xeer M/weyne  sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-2108/102013, Ku Taariikhaysan 14 Oct 2013.

Inkasta oo uu Qoraalka Madaxweynaha Nuxur ahaan aad moodo inaanu Golaha Wakiilada Ansixintooda Cod Uqaadista Mudo-Cusboonaysiinta Ka Lalsan Yahay, oo Aanu Qoraalka Meelnaba Kaga Darin, Og: Iyo Ku:,ToonaWaxaana uu Adeegsaday erayo Dhadhan ahaan Samaynaaya Go’aan, Madaxweyne oo qalinkiisa ku dhaqan galaaya Waxaanu Yidhi:-

{Waxaan go’aansaday In Guddida Diiwaangelinta Ururada iyo Ansixinta Asxaabta Qaranka u cusboonaysiiyo muddo xilleed dambe oo ah laba sannadood oo ka bilaabanta 05/10/2013.}.

Mudo Kordhintan Cusub Waxay Keeni kartaa muran sharci oo Ka dhax Aloosma Komishanka Doorashooyinka, Gudida Diwaan Galinta, Xisbiyada, Iyo Daneeyayaasha Doorashooyinka, Kaas oo Keeni Kara Khilaaf siyaasadeed oo Hakiya Geedi socodka Hanaanka Doorashooyinka Somaliland.

Sidaas Awgeed Waxaan Ugu Baaqayaa Madaxweynaha Inuu Ka Noqdo Go’aanka Mudo Kordhinta Gudida Diwaan Galinta.

Sidoo Kalena Waxaan Golaha Wakiilada Waxaan kula Talinayaa In Aanay Ansixinin  Xeer M/weyne  sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-2108/102013, Ku Taariikhaysan 14 Oct 2013.

Ugu Danbaytii Waxaan leeyahay Xisbiyada Mucaaridka Hurdada Ka Kaca oo Wixii Hore Caano Kula Dage Ayay Ahaayeen ee Tani Waa Tii Laysugu Quus Goynaayay, Maanta oo Sanad iyo badh ka hadhsan yahay doorashooyinkii M/Tooyada Iyo G/Wakiilada, Ayaan Weli Diwaan Galintii La Qaban, oo Aan Xeerkii Lagu Soo Dooran Lahaa Wakiilada Cusubi Qabyo Yahay, oo Komiishankii Doorashooyinka Sanad Kali ahi u Hadhay oo Bedel iyo Buuqoodi soo Guuxayaa, oo Hadana Mudo Kordhin loo wadaa  Gudida Diwaan Galinta ee xilkoodii Iyo Shaqadoodiba  Dhamaatay,

Waxaan Ku Dhaafayaa Malaa Sheekada Mucaaidku Waa Isug Anigaa Jab Lamaaganee.

Waa Inoo Qormada Danbe Insha Allaah..