Muddo-kordhin loo sameeyey Wakhtiga Diiwaangelinta Deegaamada Xuduudka ku yaalla

 

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Qaranka, ayaa ku dhawaaqay in maalmo dheeraad ah lagu daray diwaangeinta goobaha codbixiyeyaasha oo socday afar casho, balse ay dadka ku filnaan wayday muddadaasi.

Cabdirashiid Riyo-raac, ayaa sheegay in dhamaan degmo doorashooyinka dhaca xuduuddaha Somaliland iyo Itoobiya wakhtigaas loo kordhiyey, sidoo kalena waxa muddo intaas leeg lagu daray Caasimada degmooyinkaasi, sida Boorama iyo Baligubadle.