Muddo kordhin: Dan ama Danaysi – FAALLO by Khadar Nuux Yoonis

faalloMuddo-kordhin; odhaah ama erayo dhegaha naga qabsatay oo na dhibtay bilihii ugu dambeeyay, waa kalmad khilaaf-u-joog ah oo bulshadii iska wadda horkeentay, meelo kala fog laga taagan yahay, aragtiyo kala duwanna laga bixiyay.

Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaaminayo Madaxwayne Axmed Siilaanyo oo la doortay 26ka bishii Juun 2010kii xilkana loo dhaariyay 27 July 2010kii, waxa uu muddo xilleedkiidii rasmiga ahaa kaga eegyahay Juun 26, 2015. Cid waliba way ogtahay.Waxa qorshuhu ahaa in doorashadu wakhtigaasi ku qabsoonto,  waxa ay mucaaridka, muxaafidka iyo xukuumadduba isla qaateen in la sameeyo diiwaangelin si doorashadu ugu qabsoonto si xor iyo xalaal ah oo aanay keenin  is qabqabsi iyo kala shaki.

Kadib markii, Koomishanka Doorashooyinka Somaliland lagu dhawaaqay waxay muddo dheer kadib keeneen qorshe ah inaanay doorashadu wakhtigii loo qoondeeyey lagu ku qabsoomay,  kaasoo ahayd 26 June, 2015ka. Waxa ay Guddida Doorashooyinka Qaranku soo jeediyeen aragti rog-rogid badan kadib la isla qaatay oo sheegaysa wakhtiga rasmiga ah ee ay ku qaban karaan diwaangalinta cobixiyayaasha, doorashadana ay qabsoomi karto oo ah Juun 1, 2016ka..

Wakhtigan ay komishanka doorashooyinka Somaliland sheegeen waxa soo dhaweeyay labada xisbi mucaarid iyo bulshada rayidka ah ee Somaliland,kuwaas oo sheegay inay ogolyihiin wakhtiga ay komishanka doorashooyinka Somaliland soo jeediyeen.

Waxa kale oo iyaguna si rasmi ah u soo dhaweeyay beesha caalamka ee Somaliland dhinaca dhaqaalaha ka taageerta, kuwaasoo  tilmaamay inay maalintaa loo asteeyay qabsoomida doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Madaxtooyada ku kalsoon yihiin.

Xukkumadda

Xukuumada uu hoggaaminayo Madaxweyne Axmed Siilaanyo wali ma dhaadana dhawaaqyada hareeraha kaga imanaya ee ka digaya muddo kordhin xukuumaddiisa ah. Xukuumaddu waxa qudh iyo maan u ogyihiin inaanay Samaha iyo wanaagga lagu wada joogaa sii jiray haddii ay timaaddo muddo kordhin ka badan wakhtigaa ay Komishanka Doorashooyinka Somaliland cayimeen,haddan waxa soo baxay dhawaaqyo hoose oo sheegay inay niyada iyo qalbiga ka doonayso xukuumaddu inay hesho laba sanno amma Sannad iyo siddeed bilood oo ay kursigaasi sii fadhido, wallow bulshadu  ku kala qaybsantahay. Xukuumada Somaliland ee wakhtigan taagani saddexba muddo arrimood ba kordhinta way u doonaysaa

  1. Xukuumaddu uma diyaar aha qabashada ku qabashada doorasho wakhtiga komishanka ku astayeen.
  2. Xukuumada uu hoggaaminayo Axmed Siilaanyo uma diyaarsana inay hirgaliso doorasho wakhtigeedii timaadda.
  3. Waxa ay laabta iyo maanka ku haysaa muddo kordhin qoondaysan oo noqon karta 2 sanno amma Sannad iyo sideed bilood oo xaal-xaal iyo xoolo gurasho ah

Komishanka Doorashooyinka

Koomishanka Doorashooyinka Somaliland waxa ay soo jeediyeen in dorashada lagu qabto waqti astaysan oo ah 1 Juun, 2016ka, waxaanay ka soo baxeen kaalintoodii cayimida doorashad,  iyagoo raacaya qodobada ku waajibinaya ee  xeerka doorashooyinka Somaliland .

Xeerka doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golayaasha Degaankaa ee soo baxay 2001kii ayaa sidan hoos ku qoran dhigaya, gaar ahaan qodobkiisa 8aad waxa uu sheegaya; ‘Wakhtiga qabashada doorashooyinka:Komishanka ayaa cayimaya taariikhda la qabanayo doorashooyinka si waafaqsan Dastuurka, waxaanay ku soo bixi doontaa Degreeto Madaxweyne.

Sidoo kale Qodobka 14aad farqadiisa 4aad ee xeerkaas waxa uu siinayaa Guddida Doorashooyinka Qaranka; in Koomishanka Doorashooyinka Somaliland awood u leeyihiin cayimida wakhtiga doorashada la qabanay,  iyagoo madaxwaynaha u gudbinay si uu digreeto ugu soo saaro.

Guddiga Doorashada Somaliland sidaasi ayay isku baraxda waxaanay gudatay waajibkii ummadda Somaliland, walibana waxay  dabakheen oo ay raaceen  aayaadkii ay ku dhaaratay ee daacad iyo dulqaadka ahaa.

Xisbiga UCID

Xisbiga cadaaladda iyo daryeelka ee UCID waxa uu soo dhaweeyay wakhtiga ay guddiga doorashooyinka Somaliland u cayimeen in doorashada lagu qabto, waxaanay sheegeen inay maalintaasi ku kalsoon yihiin. Iyagoo welwel ka muujiyey muddo kordhin xukuumada Axmed Siilaanyo loo sameeyo oo ka duwan taasi ay Guddida Doorashooyinka Somaliland asteeyeen.

Xisbiga UCID  waxa guddoomiye ka ah Faysal Cali Waraabe, halka murrashax madaxwayne uu ka yahay Jamaal Cali Xuseen, ku xigeenkiisuna yahay Cabdirashiid Xasan Mataan, balse xisbiga waxa ka muuqata kala daadsanaan, wali muu  qabsan shirkii golaha dhexe ,malaha barnaamij siyaasadeed oo wali degsan. Murrashaxa madaxwayne iyo ku xigeenkiisa cod laguma dooran.muddo kordhintu ma dan ayay  u tahay mise danaysi?

Xisbiga Waddani

Xisbiga WADDANI waxa uu soo dhaweeyay wakhtiga Komishanka Doorashooyinka Somaliland doorashada u cayimeen,  isagoo sheegay inay wakhtigaasi tahay mid ku munaasib ah oo ay ku qanceen, waxaannu meel fagaare ah ka sheegay inay wallac ka qabaan muddo kordhin aan ahayn taasi ay komishanka doorashooyinka Somaliland cayimeen.

Xisbiga WADDANI waxa guddoomiye ka ah Cabdiraxmaan maxamed Cabdillaahi(Ciro), malaha musharax madaxwayne,mana laha  barnaamij siyaasaddeed, isla markaana shirwaynihii golaha dhexe may qabsan.Waxa ay leedahay murrashax madaxwayne ku xigeen waxaanay u taagan Axmed Muunin Seed, walise cod laguma soo saarin

Xisbiga Kulmiye

Xisbiga KULMIYE si teel teel ah ayuu u soo dhaweeyay muddada Komishanka Doorashooyinka Somaliland doorashada ku qabanayaan,mar kale xisbiga KULMIYE waxa uu sheegay inay imanayso muddo kordhin taas ka badan.

Xisbil- xaakimka KULMIYE waa khilaaf u joog, wali ma cadda cidda doorashada isu soo taagaysa ee ah murrashaxa madaxwayn,  waxa iska laalaada guddoomiye Muuse, Wasiirkii hore ee Maaliyadda Cabdicasiis  Maxamed Samaale iyo Madaxwayne Axmed Siilaanyo oo tiraba dhawr jeer ku celiyay inuu murrashax yahay, taasi wali ummadda Somaliland may kala fahmin.Xisbiga KULMIYE oo ah ka ay xukuumaddu ka dhalatay wali buuggii cagaarnaa ee uu doorashada ku helay waxba kamuu dabaqin oo sidii uu u sheegay maalintaasi umuu fulin waannu kala dhantaalan yahay.

Haddaba,  marka aynu soo aragnay xaallada xukuumaddeena uu hoggaaminayo Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo isla jeerkaana jalleecnay xaallada saddexda xisbi mucaarid ee Somaliland ku sugan yihiin,muddo kordhin ma tahay mid dan ah mise waa mid ku danaysi ah qaranka Somaliland.

Guurtida

Guurtida Somaliland  waxa guddoomiye ka ah Saleebaan Maxamuud Aadan isagoo madaarka Hargaysa ka soo deggaya waxa uu sheegay inay muddo kordhin imanayso inta ay doorto ha leegaateen.

Kulamo hoose iyo mid sareba way yeesheen dhinacyada siyaasadda ku herdemaya waxaase ugu wayn fadhigii ay yeesheen 3dii bishii May 2015,dood dheer waxa ay isla qateen guddi inay u saaraan,kuwaasi oo ka soo talo bixin doona muddo kordhin loo sameeyo xukuumada uu hoggaaminayo Axmed Siilaanyo.

Guddigaasi waxa ay ka kooban yihiin 28 xubnood oo uu markale guddoomiye Saleebaan hoggaaminayo walina way isla maqanyihiin “biyo sare tagay waa la sugayaa”

Haddii aynu dhigtada dib u raacno guurtida muddo kordhin badan ayay samaysay waxanay dalka ka samaysan mudadii ay jirtay tiroba afar mudo kordhinood .annigoo soo xiganaya xogo badan oo aan ka soo kala amaahday qormooyin kala duwan iyo dhiganayaal suntaya muddo kordhino aan lagu liibaanin iyo qaar lagu aflaxayba

Taariikhahan cayiman ee ay guurtidu u kordhiyeen xukuumaddihii kala dambeeyay ee Soo mara Somaliland sida uu qormo uu hore u baahiyay Suxufiga Cali Coomey oo uu ka soo kala xigtay dhiganaha dhaxal-reeb iyo meerisyadii taariikhada ,waxa jirta inay guurtida Somaliland muddo kordhino sameeyeen xaallado ay Somaliland sidan ka itaal darneyd iyo kuwo ay sidan dhaantay .

Muddo Kordhintii Koowaad ee 1995-kii

Markii dawladdii Maxamed X. Ibraahin Cigaal lagu soo doortay magaalada Boorama horaantii Sannadkii 1993-kii ee ay dhammaatay muddadii xilka loo doortay oo ahayd muddo saddex sanno ah, balse uu socday dagaalkii Sokeeye ee bilaabmay dabayaqaadii sannadkii 1994-kii ayey Golaha guurtidu kulan ka yeesheen sidii loo qiimayn lahaa xaalada dalku marayo. Waxaana la soo jeediyey inaanay marnaba dhacayn doorasho, maadaamo oo lagu jiro xaalada amaan-daro ah.

Kulankaasi golaha guurtida waxa ka soo baxay muddo kordhtii koowaad ee golaha guurtidu u sameeyaan dawladda Somaliland waxaana M/weyne Maxamed X. Ibraahin Cigaal loo kordhiyey muddo dhan sannad iyo badh. 1995-kii ilaa 1996-kii ayaa la kordhiyey. Horaantii sannadkii 1997-kii waxa loo dareeray doorashadii shir-Beeleedka ee ka dhacday Hargaysa gaar ahaan guriga shaqaalah.

Muddo Kordhintii Labaad ee 2001-dii

Markii labaad ee muddo kordhinta loo sameeyey dawladdii Allaha u naxariistee Madaxweyne  Maxamed X. Ibraahin Cigaal waxay  ahayd muddo dhan sannad, taasoo ka bilaabmaysay 2001-dii ilaa 2002-dii.  Sidii hore oo kale sababaha loo cuskaday muddo kordhinta ay Golaha Guurtidu samaysay waxa lagu sheegay dhawr arrimood oo ay ugu mihiimsan yihiin

  • Guddigii diiwaangelinta lama samay, si dadka codaynaya loo ogaado
  • Xuduudihii dalka lama wada gaadhin
  • Xaalada dalka oo weli ku jirta amaan-darro, maadaama oo Burco lagaga dhawaaqay gole Salaadiin iyo siyaasiin isugu jirta.

Markii ay golaha guurtidu arrimahaasi soo bandhigeen ayey go’aamiyeen muddo kordhintaasi.

Muddo Kordhintii Saddexaad ee 2003-dii.

Sannadkii 2003-dii ee la doortay M/weyne Daahir Riyaale Kaahin, muddo xilkeedkiisu wuxuu ku dhammaa 2008-dii. Markii ay soo dhawaatay wakhtigii doorashadu, ayay guurtidu kal-fadhi yeesheen ayaa lagaga doodaayey ajande ah muddo kordhin loo sameeyo xukuumaddii Daahir Riyaale. Go’aanka muddo kordhinta oo sumadiisu ahayd GG/JSL kal-fadhi 35-aad, go’aan Lr 04/2008-dii, soona baxay 13-kii Abriil 2008-dii, ujeedada kal-fadhiga ayaa ahayd muddo kordhin. Waxa madasha fadhiyay 65 xildhibaan oo guurti ah, waxa la gudo-galay coad u qaadistii, waxa ogolaaday 61 xubnood, waxa ka aamuusay 3 xubnood, waxaana diiday 1 xubin ah. Sidaasi ayaa xukuumaddii Riyaalae loogu kordhiyay ilaa 6-aad may ee sannadka 2009-ka.

Muddo kordhinta Afraad ee 2009-kii

Madaxweyne Daahir Rayaale ayaa soo dalbay muddo kordhin dambe, balse wuxuu si xeeladaysan u soo dhigay muddo kordhin loo sameeyo. Warqaada dalabka ah ee Madaxweyne Rayaale soo qoray ayuu ku sheegay in la is-waafajiyo xilliga ay Guddiga Doorashooyinka u qabteen inay doorashadu dhacdo iyo sidii xukuumadda sharci kursiga ugu fadhiyi lahayd.

Laakiin,  golaha guurtida ayaa dalabkaasi kal-fadhi ka yeeshay, waxaana soo xaadiray 79 xubnood ka dib waxa la gudogalay cod u qaadis gacan taaga ah ee muddo kordhinta, 42 xubnood ayaa ogolaaday, 35 xubnoodna way diideen. Sidaasi ayay ku ansaxday muddo kordhintii labaad..

Labadaas goor ee Guurtidu u kordhisay Madaxweyne Daahri Riyaale waxay u cuskadeen qodobka Dastuurka ee 83-aad , firqadiisa 5-aad ee qabsoomid la’aanta doorashada oo ay ku sababayeen nabadgeliyo darro awgeed iyo inaanu dalku ku dhicin bilaa dawlad.

Muddo Kordhinta Shanaad ee la filayo 2015-ka

Muddo kordhintan waxay toos isugu mid yihiin tii ugu dambaysay ee loo sameeyey Madaxweyne Daahir Riyaale sannadkii 2009-kii. Sida maanta dhacday waraaqda uu Madaxweynuhu qoray ayaa golaha la horkeeni doonaa waxaana laga hor-akhriyey golaha ka dibna cod ayaa loo qaadi doona. waxay u cuskan doonaan qodobka Dastuurka ee 83-aad , firqadiisa 5-aad ee qabsoomid la’aanta doorashada. Sidaasi ayey ansax ku noqon doontaa.

Bulshada Somaliland

Inta badan bulshada Somaliland waxa ay diyaar u yihiin inay doorasho u dareeraan hakaa qaar kalena ay ku laabisanyihiin inay la jiraan xukuumadda haatan tallada dalka haysa ee uu hoggaaminayo Md Axmed Maxmed Maxamuud (Siilaanyo).

Qaybaha bulshada ayaa kala aragti duwan,sababtoo ah waxa kala jiitay xisbiyada asxaabta qaranka ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI oo  aynaan odhan karin waxa ay ka madhanyihiin qabyaalad, marka la eego qaab-dhismeedkooda guud iyo ka gudeedba.

Beesha Caalamka

Somaliland waxa arrimaha doorashooyinka ka taageera beesha caalamka sannad kasta ,muddo kordhin loo sameeyo xukuumada Axmed Siilaanyo tiroba dhawr jeer ayay ka hadleen dhawrkaa jeer way ka digeen in muddo kordhi timaad.

Aan soo qaatao baaq ay si wada jir ah u soo saareen Metalayaasha beesha caalamka iyo guddida jihaynta dimuqraadiyaynta  kaasi oo ka koobnaa saddex qodob oo ay kaga digayeen muddo kordhin loo sameeyo xukuumada Axmed Siilaanyo.

  1. Bulshada Caalamku waxa ay soo dhawaynaysaa muddaynta ay sameeyeen guddida doorooshooyinka qaranka Soomaalilaan in ay qabsoonto diiwaangelinta codbixiyuhu iyo xilliga dooroshooyinka madaxtooyada iyo baarlamaanka ee june 1, 2016.  Waxa aannu ku ammaanaynaa guddida dooroshooyinka qaranka ku adkaysashadooda awooddooda dastuuriga ah ee ay ku muddeeyeen xilli-doorasheedda doorashada madaxtooyada iyada oo ay ku tiirsan tahay hab farsamo.
  2. Bulshada Caalamku waxa ay si joogto ah ugu faraxsan tahay una dhiirrigelinaya in ay maqasho in dhammaan dhinacyada xisbiyadu raaceen xilli-doorasheedda ay cayimeen guddida doorashooyinku. Booqasho dhawaan ay ku yimaaddeen Hargeysa ayay xubno ka tirsan beesha Caalamku kula kulmeen muunad ka tirsan dhinacyada uu go’aanku ka go’o (Madaxwaynaha, xisbiyada oo idil iyo Guurtida) si hoosta looga xariiqo baahida loo qabo is afgarasho siyaasayeed oo sahlaysa dhammaystirka hannaanka diiwaangelinta codbixiyaha iyo hubinta in dhicista doorashada ee june 1, 2016. Wax kasta oo dib u dhac ah, oo aanay keenin sababo farsamo, waxa ay wiiqi doontaa kalsoonida guud iyo tan caalamiga ah ee lagu qabey dimuqraadiyaynta Soomaalilaan.
  3. Bulshada Caalamku waxa ay diyaar u tahay in ay taageerto hannaanka dimuqraadiyaynta Soomaalilaan.

Beesha caalamku waxa ay si hoose iyo mid sareba uga digta muddo kordhi ka badan wakhtiga ay cayimeen komishanka doorashooyinka Somaliland  wallow wallaaca ay ka qabaan kuu muujinayo inay muddo kordhini imanayso.

 

Khadar Nuux Yoonis

knyonis@gmail.com

Hargaysa,Somaliland