Mudaneyaasha Wakiillada Oo Ansixiyay Laba Xeer Oo Mid Ka Mid Guurtidu Kusoo Celisay

Hargeysa, (SLpost)- Golaha wakiillada Somaliland ayaa maanta ansixiyay xeerarka duulista hawada iyo xeerka hay’adda dhawrista tayada.

Ugu horeyn fadhigii maanta ee golaha wakiillada oo uu shir-guddoominayay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golahaas Baashe Maxamed Faarax ayay xildhibaannadu cod u qaadeen xeerka duulista hawada, iyagoo markii ay dhameeyeen codka keli kelida ah, si duuduub ah cod ugu qaaday kuna meel-mariyay cod aqlabiyad ah.

“Afartan xildhibaan waxay u codeysay xeerkii koowaad ilaa sagaashanaad iyo lifaaqaynu u codeynay labaa diiday afar xildhibaanna way ka aamuseen sidaas ayaanu ansax ku yahay.” Ayuu yidhi guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baashe Maxamed Faarax.

Sidoo kale waxay xildhibaannadu cod gacan taag ah u qaadeen xeerka hay’adda dhawrista tayada ooh ore goluhu u ansixiyay, basle golaha guurtidu wax ka bedel iyo kaabis kusoo sameeyeen, iyadoo dhamaan qodobaddii wax ka bedelka iyo kaabista ay guurtidu kusoo samaysay ay meel mariyeen mudanayaasha wakiilladu.

Shir-guddoonka golaha oo akhriyay tirade xildhibaannada u codaysay qodobaddaas, kuwa diiday iyo kuwa ka aamusay ayaa waxa uu yidhi. “Lix iyo afartan xildhibaan ayaa u codeeyay qodobada wax ka bedelka iyo kaabista ay guurtidu kusoo samaysay, hal xildhibaan ayaa diiday, cidna kamay aamusin.”

Somalilandpost.net