Mudaneyaasha Golaha Wakiillada oo laalay Cashuur aan sharci ahayn oo ganacsatada Gaadiidka soo-dejiya la dul-saaray

Mudaneyaasha Golaha Wakiillada oo laalay Cashuur aan sharci ahayn oo ganacsatada Gaadiidka soo-dejiya la dul-saarayHargeysa (SLpost)- Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa fadhigoodii maanta cod aqlabiyad ah ku laalay Lacago cashuuro ah oo xukuumaddu ku soo rogtay gaadiidka dibadda laga soo dejiyo, taas oo ganacsatada soo dejiya gaadiidku cabashooyin xooggan ka muujinayeen muddooyinkii u dambeeyey.

Takaaliifta Golaha Wakiilladu fashiliyey oo aan la soo marin goleyaasha Sharci-dejinta dalka, isla markaana Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeyntu soo bandhigtay, ayaa sababta ganacsatada loogu kordhiyey lagu sheegay inay qaadanayso Shirkad dalka keentay Qalab casri ah oo lagu tijaabinayo tayada gaadiidka dibadda laga keeno, arrintas oo sababtay inay ka qayiliyaan ganacsatada iska leh Macdaarrada gaadiidka lagu iibiyo ee magaalada Hargeysa.

HALKAN KA DAAWO

Arrintan ayaa keentay inay Boqollaal Gaadhi ku xannibnaadaan Dekedda Berbera oo aan laga soo saarin, ka dib markii ay Gacansatu ka cawdeen lacagta Wasaaraddu sheegtay in lagu hubinayo tayada Baabuurta oo halkii Gaadhi-ba Siddeetan Doollar ah, taasoo ay ku tilmaameen mid aan sharci ahayn oo cid gaar ah lagu naas-nuujinayo, isla markaana laga hirgeliyey Dekedda Berbera oo aanu ka soo bixi karin Gaadhi aan soo marin Shirkadda Wasaaradda hawshan u qaabbilsan.