Mudaneyaasha Aqalka Wakiillada oo Maanta Ansixiyey Xeer-hoosaad lagu Wiiqay Awooddii Guddoomiye ku-xigeennada Golahaas

Hargeysa (SLpost)- Mudanayaasha Golaha wakiiladda Somaliland ayaa Maanta Cod aqlabiyad ah ku Ansixiyey Xeer hoosaad cusub oo ka kooban toddobaatan qoddob kaasoo sahlaya in si fudud xilka looga qaadi karo labada Guddoomiye ku-xigeen oo khilaaf ba’ani ka dhaxeeyo Guddoomiyaha Golahaasi.

Fadhiga maanta oo uu guddoominayey Guddoomiye Cirro, labadiisa ku-xigeena ay garab fadhiyeen ayay guddida joogtaddu ku soo bandhigtay Xeerkan oo ay maalmahanba wax ka bedel ku samaynayeen, iyagoo dalbaday in loo codeeyo, hase yeeshee ka hor intii aan la coddayn waxa fadhiga ka dareeray labada Ku-xigeen ee garba fadhiyey guddoomiye Cirro, kuwaas oo si cadho leh uga daadagay kuraastii.

golaha wakiilladaGuddoomiye Cirro oo kalidii fadhiya miiska hogaaminta ayaa cod galiyey Xeer Hoosaadka cusub ee ka rifaya labadiisii ku-xigeen, waxaana u codeeyey 42mudane, 8 way diideen,  4-na way ka aamuseen Guddoomiyuhuna muu codayn waxaana sidaas ku Ansaxay Xeer Hoosaadkii cusbaa, oo awooda Guddoominta siinaya Cirro oo kali ah.

Qoddobada muhiimka ah ee ku jira Xeer Hoosaadka cusub ee Golaha Wakiiladda ee Awooda hogaamineed siinaya Guddoomiyaha ku-xigeenadana hoos u dhaadhicinaya wax aka mid ah Qoddobada 10aad iyo 32aad ee Xeerka Hoosaadka la Ansixiyey kuwaas oo kala odhanaya.

Qoddobka 32aad: Nidaamka fadhiyada Golaha

1.       Marka la fadhiyo Golaha waxaa xubnaha hortooda fadhiisanaya:

a)      Guddoomiyaha

b)     Labada Guddoomiye ku xigeen oo is bar bar fadhiya

c)      Xogahayaha Guud iyo xoghaye ku-xigeenka oo is bar bar fadhiya

d)     Hadal qoraalayaasha

e)      Madaxda Golaha Martida u ah

2.      Guddoomiyuhu waxa uu fadhiisanayaa faloorka sare qaybtiisa u saraysa keligii

3.      Labada Gudoomiye ku-xigeena waxay is bar bar fadhiisanayaan Guddoomiyaha hortiisa, halkaas oo ka hoosaysa kuna beegan madasha uu fadhiyo Guddoomiyuhu

4.      Xoghayaha Guud iyo ku-xigeenkiisa waxa ay fadhiisanayaan labada Guddoomiye ku-xigeen bidixdooda

5.      Shaqaalaha hadal qoraalku waxay fadhiisanayaan halka ugu hoosaysa ee ka soo horjeeda kuraasta mudanayaasha

6.      Madaxda qaranka iyo kaaliyayaashooda oo aanu ku jirin Madaxweynaha /Madaxweyne ku xigeenku kuwaas oo lagu casuumay Golaha waxa ay fadhiisanayaan midigta labada Guddoomiye ku-xigeen

7. Madaxweynaha / Madaxweyne ku-xigeenka haddii ay yimaadaan Golaha waxa ay fadhiisanayaan Guddoomiyaha dhiniciisa Midi goo ah faloorka sare qaybtiisa u saraysa</p>

8. Guddoomiyaha Guurtiddu wuxuu fadhiisanayaa kursiga Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda, Guddoomiyaha Golaha Wakiiladduna waxa uu ka fadhiisanayaa dhinaca midigta marka ay jiraan fadhiyada wadajirka ah ee labada Gole

9.      Guddoomiye ku xigeenada Golaha Guurtiduna waxay bar bar fadhiisanayaan Guddoomiye ku xigeenada Golaha Wakiiladda kuwaas oo fadhiya faloorka ka hooseeya kuna beegan halka ay labada guddoomiye fadhiyaan.

Qoddobka kale waa ka 1oaad: <b>Xil-waayida Guddoomiyaha iyo ku-xigeenadiisa</b> oo u qoran sidan:-

1. Guddoomiyaha Golaha iyo labadiisa ku-xigeen waxay xilka ku waayi karaan arrimaha soo socda:

  • Geeri
  • Istiqaalo qoraal ah oo uu u soo gudbiyo Golaha.
  • Maqnaansho cudur daar la’aan ah oo gaaraya 45 cisho oo isku xigta
  • Ku xad gudub shareecada islaamka, Dastuurka Qaranka, Xeer Hoosaadka Golaha ama shuruucda Qaranka
  • Xil gudasho la’aan joogta ah
  • Dhimirkiisa oo wax u dhiman (waali, taasoo loo baahan yahay in uu soo cadeeyo guddi dhakhaatiir ah oo la aqoonsan yahay luguna kalsoonyahay
  • Caafimaad daro joogta ah ama awood beelid uusan xilka la gudan Karin, taasoo loo baahan yahay in uu soo codeeyo guddi dhakhaatiir ah, oo la aqoonsan yahay laguna kalsoon yahay
  • Xukun kama danbays ah ay ku riday maxkamadda awood u leh oo uu ku mutaysanaayo xabsi aan ka yaran lix bilood

2.      Mooshinka xil ka qaadista Guddoomiyaha iyo labada ku-xigeen kuna salaysan asbaabaha ku xusan Faqrada 1aad, xarfaheeda c,d,e, waxaa keeni kara xidlhibaano aan tiradoodu ka yarayn saddex meelood meel (1/3) tirada guud ee Golaha. Codka xil ka qaadista wuxuu ku ansaxayaa aqlabiyada saddex meelood laba meel (2/3) ee xubnaha guud ee marka laga reebo xubnaha banaa-naanshahooda la baahiyey.

3. Soo jeedin Mooshin xil ka qaadis eek u aadan guddoomiyaha/Ku-xigeenadiisa waa inuu ahaadaa mid sababaysan oo ku salaysan sharciga

4. Mooshin xil ka qaadista waxaa laga doodayaa laguna codaynayaa (3) maalmood gudahood oo maalmo shaqo ah, kamana yaraan 24 saacadood gudahood laga bilaabo taariikhda la keenay Golaha

5. Haddii Mooshin xil ka qaadis laga keeno Guddoomiyaha Golaha, waxa fadhiga loogu codeynayo hogaaminaya Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ama 2aad kolba kii jooga.

6.  Haddii Guddoomiyaha iyo ku-xigeenadiisa isku mar kaliya laga keeno mooshin ah xil ka qaadis waxaa la marayaa talaabooyinka soo socda:

Guddoomiyaha ama ku-xigeenada laga keenay soo jeedinta (Motion) xil ka qaadida waa in laga wareejiyo guddoominta fadhiyada inta ay ka dhamaanayso arrinta la xidhiidha soo codaynta waxaana fadhigan guddoominaya mudanaha ugu da’da weyn. Codayntuna waa Qarsoodi

Haddii Guddoomiyaha ama Guddoomiye ku-xigeenadu lumiyaan xilka, si waafaqsan qodobka 10aad ee xeer hoosaadka Golaha, Goluhu waxa uu muddo toddoba maalmood ah gudahood ku dooranayaa Guddoomiye ku-xigeenada cusub

7.      Haddii Guddoomiye ku-xigeenadu (GX/1aad &amp; G/x/2aad) isu sharaxaan xilka Guddoomiyaha markay banaanaato, waa in ay u soo gudbiyaan iscasilaada Guddoomiyaha fadhiga, Goluhuna ka ogolaado.’

Dhanka kale, Guddoomiye ku-xigeennada 1aad iyo 2aad ee Golaha Wakiillada Md Baashe Maxamed Faarax iyo Cali Yuusuf oo iyagu ka tirsan Xisbiga talada haya ee Kulmiye, ayaa xarunta golaha wakiillada isaga baxay ka hor intii aan la bilaabin u codeynta Xeerkan oo ay dabada ka riixayeen xildhibaannada mucaaradka ah u janjeedha dhinaca Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md Cabdiraxmaan Cirro oo ah hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani.

SOMALILANDPOST.NET