Mudaneyaasha Aqalka Wakiillada oo doorasho Xamaasad ku dheehan tahay ku buuxiyey Boosas ka bannaanaaday Shirguddoonka Golahooda

Hargeysa, 24 March, 2012 (SLpost)- Mudaneyaasha Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa fadhigoodii maanta si doorasho xamaasad leh ku buuxiyey jagada Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiiladda oo loo doortay Md. Baashe Maxamed Faarax oo ahaa Guddoomiye ku-xigenkii labaad ee golaha, halka ay Guddoomiye Ku xigeenka labaadna u doorteen Md. Cali Yuusuf Axmed, waxaana ay xildhibaannadu sidoo kale maanta Ansixiyeen Xeerka Baanka Dhexe ee Somaliland

Fadhiga maanta ee Doorashadu ka dhacday oo uu shir-gudoominayay Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi isla markaana ay ka soo xaadireen 64 Mudane, waxa ka muuqday xamaasad xoog leh oo Mudaneyaashu dhinac waliba u xusul duubayay in murashaxiinta ay wataan ku guulaystaan labada Guddoomiye Ku xigeen ee Golaha.

Jagada Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee uu hore u baneeyay Wasiirka cusub ee Maaliyadda Md. Cabdicasiis Maxamed Samaalle, waxa u tartamayay Md. Baashe Maxamed Faarax iyo Md. Ibraahim Axmed Haybe (Ibraahim Kacaan), halka Guddoomiye Ku xigeenka labaadna ay u tartamayeen Md. Axmed-Yaasiin Sh. Cali Ayaanle iyo Md. Cali Yuusuf Axmed.
Md. Baashe Maxamed Faarax, waxa u codeeyay 39 Xildhibaan, halka murashaxii la tartamayay Md. Ibraahim Axmed Haybe ay u codeeyeen 22 Mudane, sidaasna waxa ku guulaystay xilkii Guddoomiye Ku xigeenka koowaad Md. Baashe Maxamed Faarax.

Md. Cali Yuusuf Axmed, waxa u codeeyay 43 Xildhibaan, halka Md. Axmed-yaasiin Sh. Cali Ayaanle ay u codeeyeen 20 Mudane hal mudane ayaa ka aamusay, Gudoomiyuhuna muu codayn, sidaasna waxa ugu guulaystay Guddoomiye ku xigeenka labaad Md. Cali Yuusuf Axmed.
Labadii murashax ee laga guulaystay Md. Ibraahim Axmed Haybe iyo Md. Axmed-yaasiin Sh. Cali Ayaanle, oo doorashadaasi ka dib Golaha la hadlay ayaa u mahad celiyay mudaneyaashii doortay iyo kuwii aan dooranba, iyaga oo waliba xusay inay ku qanacsan yihiin siday doorashadu u dhacday.

Geesta Kale Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee cusub Md. Baashe Maxamed Faarax iyo Guddoomiye Ku xigeenka labaad Md. Cali Yuusuf Axmed ayaa iyaguna u mahad celiyay Mudaneyaasha Golaha Wakiiladda, gaar ahaan labadii xildhibaan ee xilalkan kula tartamayay.

Dhinaca kale, Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa Golaha Wakiilada ku hanbalyeeyay sida hufan ee dimuquraadiyadu ku dheehan tahay ee ay u doorteen Labadiisa ku xigeen. Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee cusub Md. Baashe Maxamed Faarax ayaa sheegay in sababta uu isaga oo ku sugan Wadanka Kanada uu isaga casilay Mansabka Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Wakiiladu ay la xidhiidhay inuu tuso Bulshada uu ka soo jeedo ee ka cawda Somaliland inay si cad u arkaan in loo siman yahay oo aanay cid gaar ahi sheegan Karin.