Mudanayaasha Golaha Wakiilada oo duuduub ku meel-mariyey Xeerka Nabadgelyada Guud ee Qaranka

Hargeysa,  (SLpost)- Mudanayaasha Golaha Wakiilladda Somaliland ayaa cod gacanta taag ah ku meel-mariyay Xeerka Nabadgelyada guud, kaasoo ay dooddiisu maalmihii u dambeeyay ka socotay Golahaas.

Fadhigii shalay oo uu shirgudoominayay gudoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayay mudanayaasha Goluhu ku ansixiyeen Xeerka Ilaalinta iyo Anshaxa iyo Nabadgelyada Guud ee Qaranka Somaliland.

Xeerkan oo muddooyinkii u dambeeyey horyaalay Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa mudanayaasha Wakiillada waxa uu guddoomiyuhu ku wargeliyey inay kala doortaan in qodob qodob loo ansixiyo iyo in duuduub lagu ansixiyo, waxaanay mudanayaashu isku raaceen xeerkaas in duuduub lagu ansixiyo  23 mudane oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland ayaa ogolaaday in la ansixiyo Xeerka Ilaalinta Anshaxa iyo Nabadgelyada guud ee qaranka Somaliland, halka 15 mudane diideen, hal mudanena uu ka aamusay, gudoomiyuhuna muu coddayn.

Xeerka Ilaalinta Anshaxa iyo Nabadgelyad guud ee qaranka Somaliland, ayaa waxa uu yahay xeer muhiim ah oo ay xukuumada Somaliland aad u sugaysay in la ansixiyo.

Xeerkani waxa uu tilmaamayaa qodobo muhiim ah oo ku salaysan nabadgelyada iyo nidaamka sharci ee booliska, waxa kale oo loo isticmaalayaa in nabadgelyada guud ee Somaliland lagu adkeeyo.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net