Mudaharaadyo lagu diiddan yahay Xasuuqa Qaxoontiga oo ka dhacay dalka Koonfur Afrika

Johannesburg (SLP)-  Kumanaan reer Koonfur Afrika ah ayaa isugu soo baxay dariiqyada magaalada magaalada Johannesburg ee caasimadda dalkaas, kuwaas sitay ku dhawaaqayay erayo ay ku taageerayaan dadka ajaanibka ah ee muddooyinkii u dambeeyay  isir-nacaybka loogu laynaya dalkaas, waxaanay si boodhadh ay ku xardhan yihiin sida ay uga xun yihiin falkaas.

Dadkana isu soo baxa sameeyay ayaa socod ku maray waddooyinka magaalada in ka badan 5 kiiloo mitir.

S. AFR“Waxaanu doonaynaa inaanu tusno Afrika iyo Koonfur Afrikaba inaanu kasoo horjeedno kacdoonka isir-nacaybka, taasoo aanu isu soo xil-qaanay inaanu muujino dareenkayaga, kuna taageerno dadka ajaanibka ah, isla markaana aanu ilaalino caddaalada iyo karaamada dadkaas.” Sidaa waxa yidhi Mark Heywood, oo ka mid ah dadkii isu-soo baxaas soo abaabulay.

“Waxaan halkan u joogaa oo aan uga qayb qaadanayaan banana-baxan, waxaan ahay Koonfur Afrikaan, waxaanan la noolahay Malawian, Zimbabwean iyo Mozambicans, waana walaalahay oo aan jeclahay. Waxaanu nahay isku dhiig ”  sidaa waxa tidhi Salma Mazibuko oo ka mid ahayd dadkii ka qayb qaadanayay banaana-baxaas..

S. AfrikaSalaasadii ayaa ciidanka xooga dalka Koonfur Afrika laga hawl-galiyay goobaha rabshadaha isir-nacaybka ahi ka socdaan, si ay wax uga qabtaan dhibaatada loo gaysanayo ajaanibka ku nool dalkaas. Dad badan oo reer Koonfur Afrika ah ayaa cambaareeyay talaabada ciidanka milateriga lagu hawl-galiyay, iyagoo ku doodday in taasi ay sumcad xumo u keenayso dalkooda. Halka qaar kalena ay soo dhaweeyeen hawl-galka milateriga.

“Maanta waxa aanu muujinay isku duubni, barina iyo saa’dambena hawl taas kasii fiican ayaanu qaban doonaa, anaga sii wadi doona bilo si aanu uga hortagno inay tanoo kale dib u dhacdo.” Heywood  oo ah abaabuleyaasha banana-baxaas.

Somalilandpost.net