Mudaharaad lagaga soo horjeeedo Sharci Meel-ka-dhac ku ah Xuquuqda Qaxoontiga oo ka dhacay Waddanka Jarmalka iyo Doorka Soomalida Magan-gelyo doonka ah

Hargeysa (SLpost)- Mudaharaad ballaadhan oo lagaga soo horjeedo Shuruuc Baarlamaanka dalka Jarmalka lagaga doodayo oo meesha ka saaraya Xuquuqda Dadka Qaxoontiga ah, ayaa ka dhacay magaalada  Darmstadt ee gobolka Hessen, waxaana bannaan-baxa ka qayb-qaatay dhammaan dadka Qaxoontiga ah oo ay hoggaaminayaan wakiillo metalaya qoomiyadaha kala duwan ee dalkaas ku dhaqan.

Shuruucda ay dadkani ka mudaharaadeen, ayaa taageero siinaya isla markaana waafaqaya sharci ay ka midaysan yihiin waddamada Midowga Yurub oo dhigaya in qofka Qaxoontiga ahi aanu ka gudbi karin waddanka ugu horreeya ee qofka Qaxoontiga ahi ka soo galo qaaradda Yurub.

warka maxamuudHaseyeeshee, shuruucdan ay ka doodayaan Baarlamaanka Jarmalku, waxa uu Xuquuqda Siinayaa Dadka Qaxoontiga ku jooga waddanka Jarmalka ee deggenaanshaha haysta, balse waxa uu meel kaga dhacaya Qaabbilaadda Qaxoontiga aan wali deggenaansho ka helin waddankaas, sida ay sheegeen xubno u dhaq-dhaqaaqa Xuquuqda Qaxoontiga oo bannaan-baxa horkacayey.

Bannaan-baxa waxa ka qayb-qaatay Qaxoontiga Soomaalida ah ee ku dhaqan Dalkaas, waxaana shakhsiyaadka mudaharaadkan soo qaban-qaabiyey ka mid ah Maxamuud Cumar Qowdhan (Maxamuud Soomaali) oo ka mid ah shakhsiyaadka faro-ku-tiriska ah ee u dhaq-dhaqaaqa Xuquuqda Magan-gelyo doonka, gaar ahaan Qaxoontiga Soomaalida ee waddankaas ku dhaqan.

WARKAN OO FAAHFAAHSAN HALKAN KA DAAWO.