Mudaharaad lagaga soo horjeedo Maamulka Puntland oo ka dhacay Bariga Sanaag

 

Badhan (SLpost)- Gelinkii hore ee maanta waxa Magaalada Badhan ee Bariga Gobolka Sanaag ka dhacay Mudaharaad lagaga soo horjeedo xil ka qaadis Golaha Wakiillada Puntland ku sameeyay Guddoomiyahoodii, Mr. Dhoobo-darreed, ka dib markii khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo Madaxweynaha Maamulkaas.

Mudaharaadkan oo bilaabmay markii Baarlamaanku uu xilka qaaday ayaa Shacabku ku muujiyeen siday uga horjeedaan Madaxweyne Deni oo ay ku eedeeyeen inuu ka baxay Heshiiskii Puntland lagu dhisay, maaddaama oo uu ka shaqeeyay in Baarlamaanku xil ka qaadaan Guddoomiye Dhoobo oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Bariga Gobolka Sanaag.

Dadka Mudaharaadka dhigay oo u badnaa dhallinyaro iyo haween ayaa gubay Calanka Puntland.

Dhinaca kale, Dadweynaha Mudaharaadka sameeyay ayaa waxay lulayeen Calanka Somaliland, iyagoo ku qaylinayey “Somaliland-baanu nahay oo aanu taageersanahay.”

Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, ayaa sheegta deegaamo ka tirsan Jamhuuriyadda Somaliland oo Bariga Sanaag ka mid yahay.

@HCTV