Mucjisooyinka Xukuumadda Maanta iyo waxyabaha ay kaga Duwan tahay Xukuumadihii hore ee Dalka Soo maray – Faallo: Weriye Mustafe Teacher

kJamhuuriyadda Somaliland waxa 22kii sannadood ee ay jirtay soo maray illaa4 xukuumadood oo kala danbeeyey, iyadoo mid walba dhinac focus ka ama xoogga  saaraysay, balse ay u badnaayeen intooda badani inay xoogga saareen dhinaca nabadgelyada iyo dhisidda ciidamo tayo leh.

Xukuumadda uu hogaaminayo Madaxwene Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo noqonaysa xukuumaddii 4aad ee hogaamisa qarankan ayaa iyadu xilka la wareegtay xilligii uu amnigu ugu fiicnaa, ee aanay ka jirin wax murano iyo dagaalo ahi, waxayna markii ba xoogga isugu geysay inay guntiga u sii giijiso amnigii iyo kala danbayntii jirtey, iyadoo samaysay ciidamo noocyo badan oo nooc kasta oo ka mid ahi  shaqo gooni ah qabanayo oo ay ka mid yihiin RRU, SPU iyo kuwo kale.

Xukuumaddan oo markii ay ololaha ku jirtey Buug ku soo qortay waxyaabaha ay waddanka u qaban doonto muddada 5ta sannadood ah ee ay dadku ugu codeeyeen inay hogaamiso ayaa dad badan o siyasadda indho indheeya kuu sheegeen in wax badan ay ka fulisay qodobadii ku qornaa Buugaas welise wax dhiman yihiin.

Xukuumadda Madaxweyne Siilanyo Waxay xukuumadihii hore u soo maray waddanka kaga duwanaatay Dardar xooggan oo u badan wax ka qabadashada gudaha dalka dhinacyada horumarka iyo xidhiidhka bulshada, sidoo kale waxay wax ka bedeshy qorshayashii xukuumadihii ka horeeyey ee dhinaca arrimaha debedda, taaso ahayd in aan lala hadlin, lala sheekaysan , lana ag fadhiisan Dawladda Somalia, waxayna xukuumaddani ku dhiiratay inay wada hadal , Dood iyo wada sheekaysi dheer la gasho SOMALIA, iyadoo taasina ku timi in adduunku Somaliland cadaadis ku saaray in waddamada afrikanka ah ee ugu dhow bal horta ugu yaraan mid ama 2 ay aqoonsi buuxa ka soo qaadato oo ay ugu horeyso Somalia, taasna ay ku timaado in Soomaalidu wada hadasho horta.

Xukuumadda Madaxweyne Siilanyo Waxay kaloo xukuumadihii hore u soo maray waddanka kaga duwanaatay  inay xoogga saarto dhinaca waddooyinka, waxayna in ka badan 20 Waddo oo laami ah oo kuwo yaryar iyo kuwo waaweyn bal eh mar qudha gacanta saartay kuwaso qaarna dhammaadeen qaarna socdaan, waxana waddada ugu hadal haynta badan ee ummada iyo axsaabta siyaasaddu baa ad ula yaabeen tahay waddada ceerigaabo, oo ay ku sheegeen inaan dawlad afrikan ah oo la aqoonsan yahay xattaa dhisi Karin waddadan, balse xukuumaddani ku dhiiratay.

Xukuumadda Madaxweyne Siilanyo Waxay sido kale xukuumadihii hore u soo maray waddanka kaga duwanaatay Dhiirasho xooggan oo an baqdin iyo cabsi lahayn oo ay hawl kasta oo bulshda wax tar u leh ku dhiiratay, halka xukuumadihii hore laga yaabo inanay ku dhiiran karayn maadaama ay u arkayeen inanay waxasi fuli Karin, balse xukuumaddani iyadoo adeegsanaysa maahmahdii Soomaliyeed ee ahayd “ Wixii Ragg u Kaco , Rabbi na Aqbalo, Way rumoobaan” waxay samaysay isku dayo fara badan oo qaarkod u rumoobeen, qaarkoodna process ka ku jiraan oo haddii ay rumoobaan unoqon doona xukuumaddan mucjisooyin dhaxal gal.

Haddaba Xukuumaddan ayaa Noqonaysa mid ay dadku wax kasta oo ay bilowdo Calaamatu Su’al Dul dhigaan, marka ay dhammayso ama ku guuleysatona hadal ka hadho oo dadka kuwii ugu mucaaridsna ama ka soo jeeday xisbiyada mucaridka ee sida weyn u dhaliila xukuumadda kaga keena ereyada ah “Waanu ku hambalyaynaynaa xukuumadda arrinkaas, wanu ku taageersanahay, waanu soo dhoweynayna” iyo ereyo kale oo aad ka dareemayso in xatta mararka qaar kuwa sida xun wax u arka ay ku soo Oodanto oo ay waayaan  waxy wax kale ku yidhaadhdan ereyga kaliya ee u u bannaanaada ama maskaxdooda kus oo dhacaana uu noqdo mid bogaaadin ah, layaabka iyo mucjisada xukuumaddan kadib.

 Masoo koobi karno mucjisooyinka xukumaddan oo tafaxaydatay horumarka dalka, bilicda magaalooyinka iyo jidadka dalka, wax ka bedelka systems badan oo dalku hore ugu shaqayn jirey oo midho dhali waayey 20 sanno iyo qorshayaasha cusub ee ku aaddan mustaqbalka fog iyo ka dhow.

Gunaanadka qormadaydan waxan odhan lahaa kula dardaarmi laha bulshda iyo bahda warbahinta ee dalka ba, wax kasta oo dalka dan u ah, shakhsi kasta oo somalilander ah Dan buu u yahay, horumarka soo kordhaana qof kasta wuu u soo kordhay, aynu ka waantowno inaynu indhaha iska ridno, oo aynu wixii sax ah u argano Sax wixii khalad ah na khalad, mucjisooyinka xukuumaddana aynu qirno, oo intiina dhegaha uun wax ka maqasha ee wax loo sheegaa, ha u fasax qaadato maalmo kooban soo aragga iyo ka jibbo keen ka waxa wanaagsan ee xukuumaddani qabatay, oo aad soo dareemayso, Markaad Magaalada aad joogto ka soo baxdo ee ad u baxayso xaruntii laga maamulayey qaranka ee Hargeysa ama aad ka soo degeyso diyaarad oo aad dalka ku soo noqonayso, oo ad ka bilaabayso markii kuugu danbaysay dalka ama hargeysa Laamigan aad maraysaa Siduu ahaa, Hadda se siduu yahay illeen la isma indho tiree, institutionska ma xafiisyada Dawldda  mid mid u tag, shaqadu siday uga socotaa, siday se uga socon jirtey mid walba wasiirkeedi, agaasimaheedi iyo shaqaleheedii ma joogaan 7 Subaxnimo, ma joogi jireen se sannado ka hor, Madaxtooyadi qaranka soo Daawo, Siday u eegtahay, sidayse ahayd , sidee loo geli jirey, hadda se sidee loo gala, madxweynihi ma fadhiyaa mise wu iska hurdaa, ma u eegtahay goob shaqo ka socoto oo gudaheeda dhaqdhaqaaaq ma ka jiraa mise waa Goob Dam ah ama cidlo ah oo qof dhaqdhaqaaqa marayn askarta ilaalada ah mooye, sidayse ahaan jirtey sannado ka hor, fadlan indhahaagaa ku macalin ah, aynu iska dhaafno oo iska illowno wararka aan jirin ee loogu sheekaynayo dalka iyo dawladdiisa oo haddii qaranka lexejeclo kaa hayso ha waraysan qof adoo kala ah oo wuxu ku yidhaa ha wada qaadan ee adigu soo arag wax kasta,  oo indhahaaga iyo dhegahaga iyo maskaxdaadu ha ku hagaan.

Wabilaahi Tawfiiq

Qalinkii : Mustafe Osman Abdirahman (Mustafe Teacher)

Burco / Somaliland

Mustafeteacher@hotmail.com