(Xaggee bay ka timid fikradda Aadan-Carab ee ah:
Ma mucaarad baan ahay haddaan xaqa ku maansoodo?)
Dhulkeenna la ga ma aqoon hab-dawladeedkan cusub ee maanta dunida ka jira. Badhtamihii Dagaalweynihii Labaad ee Dunida ayay gayiga si dhab ah u ga curatay waddaniyad badhax la oo soomaalidu ku doonayso dawladnimo iyo midow. Waxaa qunyar qunyar u xoogaysatay jibbo waddaniyadeed oo meel walba is qabsatay. Haddaba waxaa soo baxay dad soomaaliyeed oo dawladnimada diiddan doonayana in shisheeyuhu dalka sii joogo. Dadkaas oo Muqdisho ku sii badnaa waxaa loo bixiyay ”mucaarad”. Erayga mucaarad qudhiisu wuu cusbaa oo markaa ka hor la ma aqoon, sidaa darteed in dadkaa gobannimo-diidka ah la gu tilmaamay erayga wax ay u yeeshay dhadhan aad u foolxun. Sidaas bay cay iyo ceeb ku noqotay ”hebel waa mucaarad”.
Iyada oo sidaas ah baa la dawladoobay, dawladnimaduna dabcan goor walba wax ay ka kooban tahay muxaafid iyo mucaarad. Haddaba sannadkii 1963 Aadan-Carab Yuusuf isaga oo tix gabay ah oo aad qaayo weyn ku dhaliilaya musuqmaasuqii iyo maamulxumadii xukuumaddii Aadan-Cadde, wax uu ka afeefanayaa in aanu mucaarad ahayn ee xaqiiqada jirta uun sheegayo; garo oo mucaaradnimada ayuu weli ceeb moodayaa.
Maanta Soomaalilaand xaalad tii u eg baa taalla. Dawladnimo silic iyo saxariir la gu soo dhisay, dagaallo sokeeye oo xanuun iyo baqdin la ga soo qaaday, aqoonsi la’aan jirta, soomaalida kale oo loo arko nacab duleedka soo taagan oo Soomaalilaand fursad ka eeganaya, arrimahaas oo dhami nafsiyadda qofka muwaaddinka ah ayay aad iyo aad u nugleeyeen. Qofku si uu khilaaf siyaasadeed u ga fogaado, dalkiisana u ga fogeeyo, badanaa wuu is moogaysiiyaa foolxumo kasta oo dawladdiisa ku jirta. Mucaaradnimadii xaqa iyo wanaagga ahayd ayaa dhadhantay fidno iyo xumaan. Waa nasiib darro aad u weyn, waayo mucaaradnimadu waa miisaanka wanaagsan ee muxaafidka, sidaas ayayna dawladnimadu ku hagaagtaa oo ku dheelli tirantaa.
Xaaladda caynkaas ah ee muwaaddinku khilaafka ka baqayo ayay kooxda maanta Soomaalilaand haysataa sida u gu xun u ga faa’iidaysatay. Waxa ay doonto ayay kooxdani samaysaa iyada oo hubta in aanu jirin dadweyne si firfircoon u ga hor imanayaa. Xitaa dadweynaha waxaa la oggolaysiiyay in aan la bannaanbixi karin, waayo waa mucaaradnimo, mucaaradnimaduna waa qarandumisnimo, weeye macnuhu. Waa tubtii qodxaha badnayd ee kelitalisnimada la gu yaqaannay.
Hoos waxaa ku qoran tixdaa Aadan-Carab meerisyo ka mid ah oo la xidhiidha waxa uu ku keenay meeriskaa caanka ah. Wax uu soo odhanayaa:
Afkoo malab ah shicibkii haddii la gu mashaysiiyo
Oo aan muraadba u qumayn mooyi say noqone
Waa na la madaaraynayaa taniyo maantiiye
Manqaa la gu sabaa had iyo jeer muuqa dhalanteede
Hadba waxan maqlaa boqol malyuun waa mucaawino e
Maalkii arlada loo qabtiyo meeday lacagtiina
Sow riigna noo ga ma mudaan madashan Buuhoodle
Bal intee muddo ahaan sugaa maaxda iman doonta
Mukhlis iyo haddaan la gu shaqayn orod maleegnaan ah
Ma xiniinyahay moodayaan muunad na la saaray
Ma naftiinna maaro u qabtaa nimanka loo miidhay
Maashiyo haddaan mililka saro mallow miyay fuuli
Ma mucaarad baan ahay haddaan xaqa ku maansoodo
Erayqeex:
Manqo: wax aan garaad lahayn; maato.
Ibraahin Yuusuf Axmed ”Hawd”