Mucaaradka Somaliland oo Go’aan Midaysan ka Qaatay Doorasho Xilligeeda ku qabsoonta iyo Muddo-kordhin loo sameeyo Xukuumadda Siilaanyo

Hargeysa (SLpost)- Masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaridka ah ee UCID, WADDANI iyo Siyaasiyiinta ku bohoobay Madasha Wada-tashiga ee Somaliland, ayaa maanta heshiis saddex geesood ah ku kala saxeexday kulan ay ku wada-yeesheen Huteel Ambassador ee magaalada Hargeysa. Waxaanay sheegeen in haddii ay Xukuumaddu 26 June 2015-ka qaban waydo doorasho ay Xisbiyada Mucaaridka ahi dhisi doonaan dawlad Ku-meel-gaadh ah oo loo dhan yahay.

mucaaradWaxay Xisbiyada Mucaaridka ah iyo Siyaasiyiinta Madasha Wada-tashigu Heshiiska ay qalinka ku duugeen ku sheegeen, in Masuuliyadda qabashada doorashadu Xukuumadda talada haysa saaran tahay, isla markaana loo baahan yahay in doorashada ka hor la qabto diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha doorashada si loo helo doorasho xor iyo xalaal ah. Waxaanay ku doodeen haddii wax dib-u-dhac ahi ku yimaaddo doorashada inay masuuliyadda eeddeeda Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo yeelanayso.

Kulankaas oo ay ka qaybgaleen Masuuliyiiinta Xisbiyada Mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID iyo Siyaasiyiinta ku midoobay Golaha ay ugu yeedheen Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka Somaliland, waxaana qoraalka Heshiiskaas ay dhinacyadani kala sexeexdeen oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Aftahannews u dhignaa sidan:-

“HESHIIS IS-AF-GARAD OO AY WADA GALEEN:

XISBIGA UCID, XISBIGA WADANI IYO MADASHA WADA-TASHIGA IYO TOOSINTA

ARAAR:

Annaga oo ka duulayna kana midaysan argtida ah :

•   In Jiritaanka jamhuuriyadda Somaliland ay saldhig ama aasaas u yihiin “nabadda, talo-wadaag,  dimuqraaddiyad iyo hannaanka Xisbiyada badan”  sida ku qeexan qod.3aad ee distoorka. Inay nabaddu ku xidhan tahay dimuqraaddiyadda. Mar kasta oo doorasdooyinku baaqdaan ama muddo-dhaafaan ay halis gelin karto nabadgelyada.

•  In  sidaas oo kale, dimuqraadddiyaddu ku xidhan tahay jiritaanka shuruudaha aasaasiga ah oo ay ka mid yihiin:  ku-dhaqanka sharciga(rule of law, ) xorriyatul-qawlka, tartatanka xisbiyada badan iyo doorashooyinka muddeysan ee xorta iyo xalaasha ah.

•  In Himilada ugu weyn shacbiga Somaliland leeyahay ay tahay in la helo aqoonsi caalami ah, horuumar iyo nabad waarta, jidka keliya ee loo mari karaa yahay xoojinta iyo taabbagalka dimuqraaddiyadda. Sidaa darteed, mar kasta oo ay baaqdaan ama dib-u-dhacaan  doorashooyinku ay keeni karto inay sii fogaato himiladii shacbigu lahaa.

•    In doorashooyinka iyo codbixintu ay yihiin xuquuqda distooriga ah ee dadaweynaha iyo muwaaddinniinta,  iyo qaabka keliya ee ay ku muujin karaan doonistooda  ama ku dooran karaan madaxdooda. Iyada oo aanay jirin cid shacbiga wakiil uga noqon karta doorashada madaxdooda, oo ku iman karta oo keliya codbiixn xor iyo xalaal ah.

•   In xilka qabashada doorashooyinku uu yahay waajib distoori ah oo saaran xukuumadda, muddo-kordhintuna ay sharci-darro tahay, marka ay maqan yihiin duruufaha ku xusan qod.83aad.faq.5aad iyo qod. 42aad. faq.3aad, kuwaas oo ah kara sababaha keliya ee sharciga ah ee dib u dhigi kara doorashooyinka.

Sidaa darteed: ANNAGA oo ujeeddadu tahay xoojinta nabadda, taabbagalka dimuqraaddiyadda  iyo hiigsiga  aqoonsiga caalamiga ah iyo horuumarka; ANNAGA   oo ka digtoon kana feejig tallaabo kasta oo wax-yeeli iyo hagar-daamo u keeni karta nabadda, dimuqraaddiyadda iyo midnimada dalka; ANNAGA oo tixgelinaynna marxaladda adag e dalku maanta ku sugan yahay iyo duruufaha ku xeeran; ANNAGA oo ka werwer qabna inaan Xukuumaddu u hagar-baxsanayn  inay doorashooyinku ku qabsoomaan xilligoodii.

Waxannu halkan isla qaadannay qodobbadan hoos ku qoran; annaga oo ka kooban: (i) Xisbiga Mucaaridka ah ee Caddaaladda iyo Daryeelka  (UCID), (ii)Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddini iyo (iii) Madasha Wada-tashiga oo ka kooban Muwaaddiniin isu abaabulay inay taladooda iyo aragtidooda ka muujiyaan siyaasadda guud ee dalka:

1.  Inay dalka ka jirto, guud ahaan, nabadgelyo taam ah. Taas oo muujinaysa in aanay jirin duruufaha ku xusan qod. 83aad iyo 42aad. Sidaa darteedna ay waajib tahay inay doorshooyinka Madaxweynaha iyo Golaha Wakiilladu ku dhacaan muddadii sharcigu u cayimay oo ku aaddan 26-ka Juun 2015ka.

2.   Inay lama-gamaarmaan tahay in la qabto diiwaangelintii cod-bixiyaha muddadii loo qorsheeyey, sidii ay horeba uga wada heshiiyeen, saddexda Xisbi Qaran, Xukuumadda iyo Guddiga Doorashooyinka Qaranku:

•  Si loo xaqiijiyo inay dhacaan doorashooyin  xor iyo xalaal ah,

•  Si looga hor-tago inay soo noqdaan gol-daloolooyinka ka soo baxay doorashadii Dawladaha Hoose ee 2012kii.

3.  Inay lama huraan tahay in xulashada iyo ansixinta xubnaha Guddiga doorashooyinka qaranka la dhammays-tiro bilaha Ogost iyo sibtambar gudahooda, mar, haddii muddo-xileedkii Guddiqani ku eeg yahay 29ka oktoobar.

4.  Inay lagama-maarmaan tahay in wax laga beddelo qaabka iyo shuruudaha xulashada iyo magacaabista xubnaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka:

•  In la xiijiyo Si loo hubiyo ama loo xaqiijiyo dhaxdhexadnimada Guddiga;

•  Si loo abuuro duruufo dimuqraaddi ah oo ay u siman yihiin  saddexda Xisbi  Qaran ee doorashada ku tartamayaa.

5. Haddiiba, ay dhacdo inay doorashooyinku  xilligoodii ku qabsoomi waayaan:

•  Inay eeddeeda yeelan  doonto xukuumaddu, iyada oo ay waajibkeeda tahay inay qabato doorashada xilligeedii.

•  Inay waajib noqon doonto in wixii ka dambeeya 26ka Juun 2015ka la dhiso xukuumad ku-meel gaadh ah, oo loo dhan yahay, waajibkeeda koowaadna  yahay inay dalka ka qabato doorshooyin.

• In haddii, marka la gaadho 31ka Diisambar 2015ka, ay muuqato ama caddaato inaan dalka doorashooyinkii ka dhacayn xilligii loo qorsheeyey, waxa la bilaabi doonaa sidii looga hawl-geli lahaa abaabulka xukuumadda ku-meel-gaadhka ah ee kor ku xusan.

ALLAA MAHAD LEH

Waxaa wada saxeexay:                        

UCID                                                        WADDANI

1.  GUD. Faysal Cali Xuseen                          1.  GUD. Cabdiraxmaan M. Cabdilaahi

2.  Jamaal Cali Xuseen                                    2.  Axmed Muumin Seed

3.  Cali Maxmed Yusuf (Guray)                     3.  Ibraahim Jamac Cali                                                                                                 

MADASHA  WADA-TASHIGA IYO TOOSINTA

1.  GUD. Xasan Guure Jamac

2. Maxamed Xaashi Cilmi

3.  Ibrahim Cabdilaahi Xuseen (Dhagaweyne).”

 

Somalilandpost.net/Hargeysa