Mucaaradka Burundi Oo Maanta Ku Baaqay Banaan-baxyo Cusub

 Bujumbura, (SLpost)- Hogaamiyeyaasha mucaaradka ee dalka ayaa ku baaqay mudaharaad cusub oo lagaga soo horjeedo madaxweyne Pierre Nkurunziza, kaasoo ka dhici doona maanta oo salaasa ah caasimadda.Burundi Coup

Mudaharaadadad lagaga soo horjeedo go’aan uu madaxweyne Nkurunziza ku doonayo inuu mar saddexaad isu soo taago doorashada dalka Burundi ayaa todobaado gilgilay dalkaas, isla markaana sababay dhimashada in ka badan 20 qof, halka ay ammaan-darro darteed waddamada jaarka ay u qaxeen dad gaadhaya 90,000 oo qof.

Baaqan cusub ee mudaharaadada ayaa imanaya ka dib markii ay xukuumadda Burundi shalay meesha ka saartay in dib loo dhigo doorashooyinka dalkaas, six al loogu helo banana-baxyada siyaasaddeed ee hadheeyay.

Doorashada baarlamaanka dalka Burundi ayaa loo qoondeeyay inay qabsoomaan 5-ta bisha June, halka doorashada madaxweynahana la qorsheeyay inay qabsoonto 26-ka bishan June.

Somalilandpsot.net

 

Â