Mucaaradka Burundi Oo Hakinaya Wada-hadal Ay La Galaan Dawladda

Bujumbura, (SLpost)- Mucaaradka dalka Burundi ayaa sheegaya in ay hakinayaan wax wadahadal ah oo ay la galaan dowladda dalkaasi kaddib markii sabtidii toogasho lagu dilay hoggaamiyaha xisbi yar oo mucaarad ah.Oposition burundiOposition burundi

Meydka Zedi Feruzi ayaa laga helay bannaanka hore ee gurigiisa oo ku yaala magaalada Bujumbura ee caasimadda dalkaasi.

Hoggaamiyahani ayaa waday olole uu ku diidan yahay damaca madaxweyne Pierre Nkurunziza ee ah in uu mar saddexaad u tartamo xilkaasi.

Waxaa la rumeysan yahay in qaramada midoobey iyo midowga afrika ay isku dubaridayeen wadaxaajood u dhaxeeya dowladda, xisbiyada mucaaradka iyo ururada bulshada rayidka, si loo dejiyo xasaaradda ka aloosan dalka Burundi.

Go’aanka madaxweyne Nkurunziza ee ah in uu xilkaasi u tartamo mar saddexaad ayaa waxa ka dhashay inqilaab milatari oo markii danbe  dhicisoobay, dibadbaxyo qaatay usbuucyo iyo in inkabadan boqol kun oo qof ay dalkaasi ka barakacaan.

Somalilandpost.net