Morocco Oo Diyaarad Dagaal Ka Baafinaysa Yemen Iyo Xuutiyiinta Oo Sheegtay Inay Soo Rideen

Sanca, (SLpost)- Dalka Morocco oo ka mid ah xulafada Sucuudiga ee dagaalka kula jira kooxda falaagada ah ee Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegtay inay la’dahay mid ka mid ah diyaaradihii dagaalka ee ay u dirtay dalka Yemen.Morocco Jet

Dalka Morocco ayaa xulafada Sucuudigu hogaaminayo ee Yemen duqeynaya ku darsatay lix diyaaradood oo kuwa dagaalka ah, waxaanay warbaahintoodu shaacisay in mid ka mid ah hawada lagu la’yahay.

Dhinaca kooxda Xuutiyiinta ayaa sheegay inay soo rideen mid ka mid ah diyaaradaha dagaalkam, kuwaasoo soo bandhigay muuqaal, iyagoo ku dul dabaal-degaya diyaaradda oo soo dhacday, isla markaana  gubanaysa.

Waxaana la filayaa in diyaaradda uu dalka Morocco baafinayaa ay tahay taaso ay Xuutiyiin ku  damaashaadayaan, isla markaana ay sheegteen inay dagaalka kusoo rideen.

Xabad joojin shan maalmood oo loogu talo-galay in gargaar bani’aadamnimo la gaadhsiiyo dadka ku barakacay dagaalkaas ayaa la filayaa in bari oo salaasa ah ay hirgesho, iyadoo weli ay duqeynta cirka ee waqooyiga dalka Yemen ay ka wadaan xulafada Sucuudigu ay socoto.

Somalilandpost.net