Mooshinka Saleeban iyo Silaanyo Waa bilowga Dagaal sokeeya oo Somaliland ka dhaca,

Ascwb

Waxa labadii cisho ee u danbeysay Madaxtooyada faashilka ahi wad waday mooshin ka dhan ah guddoomiyaha Ciro oo xukumada silaanyo dabada ka riixayso. mooshinkaas oo la doonayo in xubnaha mooshin quutayaasha ah ee baralamanka ku jira ay doonayso in ay u soo wakiilato. waxana iska cad in arrinkan ay ka danbeeyan labada nin ee qabyaaladiistayaasha ah ee saleeban gal iyo Silaanyo oo doonaya in dalkan iyo dadka somaliland afduuban, Waxayna arrinkani horseedi doona kacdoon iyo dagaal sokeeya oo somaliland dib ugu celiya halkii ay ka soo hinqatay 20 sano ka hor. Waxana cad in aan Saleeban iyo Silaanyo oo qabyaaladi madax martay cadeysteen in sharciga ka talaabsadaan, laakiin waxay moogan yihiin in nin aanu xoog weynayn ee sharciga nin kasta gacantiisa ku qaadan doono haddii ay sharciga ka talaabsadaan oo nin kasta qorigiisa gurigiisa ku haysto oo aan oo aan qofna cid kale ku maquunin karin awood dawladeed. Haddii Saleeban iyo Silaanyo ku soo tashadeen in Ciro ay kursiga Baralamanka ka tuuran walaahi waad riyoonaysaan ee idinka ayaa xoog shacab iyo mid qoriba la idin kagaga tuuri doonaa kuraasida qaranka ee hab qabyaaladeed aad doonaysaan inaad ummada maskiinta ah ku boobtaan kuna dulmi daan.

Somaliland waxay maanta joogta markii runta loo sheegi lahaa labadan qabiilayste ee qarankii somaliland baabiyey ee doonaya in ay dagaal sokeeye somaliland ka ridaan ee duqoobay ee aan rajo ka lahayn adduun iyo aakhiro ee somaliland ku celiyey qabyaalada, boobka, qaraabo kiilka, iyo eexda aan geedna loogu soo gaban.

Ugu danbeyntii, Shacabka somaliland way arkayaan dulmiga iyo xaqdarada aad ku wada socdaan saleeban iyo silaanyo iyo qabyaaladooda qaawanba, waxayna sugayaan inta arrintan mooshinka ah la keenayo beri, waxaan ay diyaar u yihiin dhalinyaro, waayeel, dumar iyo aqoonyahanba in xoog idin ku soo galaan halka aad madaxtooyada ka dhigateen ee habeen iyo maalinba aad munaafaqada aad ku haysaan. Somalida ayaa tidhaa ilaahow waaga waraabe cunin, bal aynu eegno uurayste silaanyo iyo saleeban waxa ay ka dheefan dabka ay shideen, waxaana talo u soo jeedinaya qabiilka ay ka dhasheen ee habar jeclo in ay is cadeeyan in ay tageersan yihiin waxa ay gacamaha kula jiraan saleeban iyo silaanyo.

 

Hasan Jama

Hasanjama1@Outlook.Com