Mo Farah oo orod kale ku guulaystay

UK(SLPost)-Orodyahanka British ka ah ayaa ku guulaystay maanta tartanka loo yaqaan Orodka Waqooyiga ee Weyn waana sanadii labaad ee uu ku guulaysto isagoo ay tartan adag la galay Stanley Biwott oo u dhashay Kenya.

150829131704_mo_farah_640x360_getty_nocredit

Mo Farah oo haysta koobka shanta kun iyo tobanka kun ee meter ee adduunka ayaa ku dhameyey tartankan 59 daqiiqo iyo 22 sekan, waana rikoodh cusub isagoo ah qofkii ugu horeyey ee British ah ee intaa ku dhameeye Maradoon badhkii.