Mo Farah oo abaalmarin Qaali ah ka Guuddoomay Qoyska Boqortooyada Ingiriiska

London (SLpost)- Orodyahanka u dhashay Somaliland ee baasaboorka Ingiriiska haysta Mo Farah ayaa shalay lagu gudoonsiiyey abaalmarin aqalka boqortooyada Ingiriiska.

Mo farah oo abaalmarintan uu gudoonsiiyey Prince Charles, odeyga boqorada Ingiriiska ayaa ciyaarahii Olympic ee dhowaan ka dhacay London ku guulaystay boladihii dahabka ee orordada  5,000m iyo 10,000m.

Orodyahankan u dhashay Somaliland oo ku barbaaray xaafada Hounslow, West London, ayaa si weyn ugu can baxay sumadiisa ‘wadnaha’ ee uu sameeyo xilliga guushiisa.

Mar uu ka hadlayey gudoomida abaalmarintaa ayuu yidhi, “Weligay naftayda ma sawiran inaan soo geli doono guriga bqortooyada Ingiriiska ee Buckingham Palace.

Mo Farah with Prince Charles
Mo Farah with Prince Charles

Waxaan xusuustaa yaraantaydii anigoo orda 13 jirkaygii, waxaan sawiro iskaga qaadi jiray hortiisa, markaa soo gelitaankiisa iyo ku gudoomida abaalmarintan waa wax weyn.”

Odeyga boqorada Ingiriiska Prince Charles oo abaalmarinta gudoonsiiyey ayaa yidhi, ‘Waan filayaa inaad ku xanuunsatay biladaha badan, iyo ogaanshaha in qof sidayda oo kale uu ku yaqaan oo wax weyn ah.

Annigu kama daalayo guud ahaan. Waxaan doonayaa inaan dalkayga ka dhigo wadan wanaagsan, oo hantiya bilado badan.”

Mo farax ayaa dhinaca kale waxa ku socda baadhitaano ka dib markii ururka ciyaarahu sheegeen inay eegayaan warar sheegaya inuu jebiyey shuruucda ciyaaraha Tennis-ka ee Wimbeldon, isaga oo muuqaal sawir ka duubtay gudaha.

Balse, orodyahankan ayaa u sheegay weriyeyaal joogay goobta abaalmarinta lagu gudoonsiiyey, “Waan duubtay muuqaalkaa, laakiin waan ka saaray bartayda twitter-ka,” ayuu yidhi Maxamed Faarax oo dunida loo yaqaano Mo Farah.

SOMALILANDPOST.NET