M/Ku xigeenka oo Xadhiga ka jaray mashruuc biyo lagu gaadhsiinayo xaafaddo Hargeysa ku yaala

Hargaysa(SLpost)Madaxweyne ku xigeenka somaliland Md. C/raxmaan C/llaahi ismaaciil (Saylici) ayaa maanta xadhiga ka jaray Mashruuc Balaadhan oo biyaha lagu gaadhsiinayo degaamada isha cobosha iyo sheekh Cumar ee magaalada Hargaysa.

Munaasabad balaadhan oo loo sameeyay furitaanka mashruucan ayaa waxa ka soo qaybgalay Wasiirrada wasaaradaha Biyaha Xuseen Axmed Cabdulle , Wasiirka wasaarada qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire, wasiirka macdanta Xuseen Cabdi Ducaale, masuuliyiin ka socotay hayadaha qaramada midoobay iyo Hayadaha caalamiga ah ayaa warbixin dheer oo uu halkaaska jeediyay maareeyaha wakaalada biyaha ee caasimada Hargaysa Ibraahim Siyaad Yoonis ayaa waxa uu ka waramay dadaalka ay wakaaladu ugu jirto sidii caasimadu u heli lahayd biyo ku filan iyada oo mashruucani yahay kii ugu horeeyay ee qaybo kamid ah caasimadu ay Biyo kaga helaan Dooxa Xaraf.

saylici

Waxakale oo uu sheegay maareeyuhu in wakaaladu dadaal ugu jirto sidii bulshada ku dhaqan caasimadu u heli lahaayeen biyo ku filan.
Wasiirka wasaarada biyaha Md. Xuseen Axmed Cabdulle ayaa isna munaasabadaas kaga hadlaydadaalka xukuumadu sidii degaanada miyiga iyo magaalooyinka ee dalku u heli lahaayeen Biyo ku filan , wasiirku waxa uu ku amaanay wakaalda biyaha ee Caasimada iyo maamulkeeda dadaalkooda ku wajahan horumarinta adeega wakaalada biyaha.

Madaxweyne ku xigeenka JSL. Md. C/raxmaan C/llaahi Ismaaciil oo iasagu xadhiga ka jaray mashruucan ayaa ka waramay mudadii saddexda sanadood ahayd ee xukuumadani talada haysay hawlaha horumarineed ee ay dalaka ka hirgalisay, waxaana madaxweyne xigeenku sheegay in Biyuhu yihiin mudnaanta koowaad ee xukuumadu ku taamayso sidii bulshadu u wada heli lahaayeen biyo ku filan.
Madaxweyne xigeenku waxa uu wakaalada biyaha ku bogaadiyay dadaalka horumarinta biyaha caasimada.

Somalilandpost.net

Hargaysa