MINNEAPOLIS: Soomaalida Oo Banaanbax Sameysay

Minneapolis (SLpost) October- Soomaalida ku nool magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalkan Maraykanka ayaa sameeyey isu soo bax ay ku dalbanayaan in gacanta sharciga la horkeeno dadkii dilay nin Soomaali ah oo lagu magacaabi jiray Cabdixaafid Xaaji Maxamed oo toddobaadkii hore lagu dilay magaalada Minneapolis. Ninka la dilay ayaa la shaqaynayay hay’ad ammaan.

 

Dadka isusoo baxa sameeyey ayaa sidoo kale dalbaday in cidda haysa macluumaad la xidhiidha dilkaas ay macluumaadkooda u gudbiyaan hay’adaha ammaanka magaalada. Ka sokow Soomaalida, waxaa isu-soo baxan ka qayb galay qaar ka mida masuuliyiinta iyo laamaha ammaanka ee Minneapolis.

 

Jibriil Afyare oo ka mid ah dadka banaan baxa agaasimay ayaa sidan u sharaxay ujeedka isku soo baxa “Ujeedku guud waxa weeye in codkeena la maqlo, in caddaalad la helo, in Soomaalidu isku soo baxdo, in Cabdi Xaaji uun maahee dadkii hore Soomaalida ahaa ee la dilay een cidna loo xidhin cid loo soo qabto,” ayuu yidhi.

minneapols 1

Dadkan ayaa sidoo kale diray farriin nuxurkeedu yahay in cidii macluumaad ka haysa dadka dilka gaystay aanay qarin ee ay soo sheegaan, sidoo kalena cidda guryahooda ku qarisa dadka dilka gaystay aannay xagga dambe marin dadka dambiga galay balse ay sharciga horkeenaan.

 

Somalilandpost, 2015