Milicsiga shirarkii Beesha Sacad Muuse hore u qabsatay iyo qaabka saami-qaybsiga – W/Q: Cali Cabdi Coomay

Cali Coomay
Cali Coomay
Cali Coomay

Waxay soo bandhigi doonaa shirarkii ugu waaweynaa ee ay soo qabsatay beeshu intii taariikhdu qortay. Waxaynu si weyn u lafa-guri doonaa shirarkaasi, meelihii ay ka dhaceen, ajandahoodii, qodobadii la isku-raacay, kuwii la isku-khilaafy iyo heshiisyadii lagu gaadhay.

Shirarka aynu falanqayn doono:

  • Shirkii 1840-kii oo ka dhacay Hargaysa
  • Shirkii 1952-kii oo ka dhacay dooxa Hargaysa
  • Shirkii 1962-kii oo ka dhacay Gabiley
  • Shirkii 1967-kii oo ka dhacay Geed-deeble (waqooyiga Hargaysa)
  • Shirkii 1990-kii oo ka dhacay Harta Sheekha

Dhammaan shirarkaasi ayeynu mid kasta faahfaahin doonaa inagoo raacin doono raad-raac sugan.

Saami-qaybsiga Beesha Sacad Muuse

Shirarkaasi ay soo qabstay Beesha Sacad Muuse waxay ergooyinka ku soo xulan jireen saami-qaybsiga loo yaqaan saddex le ee hoos ku qoran:

SACAD MUUSE

a) Xuseen Abokor

b)  Jibriil Abokor

c) Baha Sacad

Marka laga reebo shirkii dhacay 1840-kii, intii shir ee ka dambaysay, waxay beesha sacad muuse caaqiido u ahayd inay wax ku qaybsadaan shaxdan loogu yeedho saddexlay. Shaxdan waxa iska lahaa fikirkeeda jiif-caaqil la odhan jiray Qalinle Xirsi Guuleed oo ahaa oday lagu yaqaanay xigmad iyo caqli badnaan. Wuxuu Qalinle Xirsi ugu yeedhay saddex dhadhaar oo isku miisaaman. Waana ta keentay ilaa maanta lagu dhaqmo markay beeshu shir isugu timaado.

1. Shirkii 1840-kii

Shirkani wuxuu ka dhacay laba geed oo ku yaalay meesha imika khayiyadu Hagaysai ku taal. Shirkan waxa isugu yimid ergooyin ka kala tirsan beesha sacad muuse oo ay soo xuleen hogaanka dhaqanka ee horjoogay beelaha ay ka kooban yihiin sacad muuse. Shirkan ayaa loogu talogalay in lagu soo af-jaro dagaallo ka dhex aloosnaa reeraha Nuux ismaaciil dhexdooda. Gaar ahaan wuxuu dagaalku ka dhex qarxay reeraha Yoonis Nuux iyo Axmed Nuux.

Ajandaha shirkaasi ayaa ahaa:

a.in dagaalka la joojiyo

b.in la soo diwaangaliyo wixii naf baxday labada dhinac

c. in la isu-celiyo wixii hanta ah ee la kala qabsaday

d. in reer kastaa deegaankiisi joogo

shirkan oo socday muddo saddex todobaad waxa jiray dhawr caqabadood oo shirka hadheeyey, balse markii dambe laga gudbay. Markii shirkii soo af-jarmay, ayey guddigii shirku ka soo saareen qodobo la isku raacay oo faraya labada beelood inay fuliyaan wixii ka soo baxay shirkaasi. Ka dib dagaalkii ayaa isla-markiiba joogsaday, taaso ka dhigtay shirkaasi mid midho dhala.

Cali cabdi coomay

Suxufi, qoraa ah.

B.A in Journalism

Hargaysa, somaliland

calicoomay@hotmail.com

 

Xigasho:  Joe Kay———– my first tripe in northern Somali

Wuxuu ahaa nin sahamiye ingiriis ah oo shirkaasi goobjoog ka ahaa.

La soco qaybaha dambe…………………………………………….