Milicsiga Shirarkii ay hore u soo qabsatay Beesha Sacad Muuse – W/Q: Cali Cabdi Coomay (Q.2aad)

Cali Coomay
Cali Coomay
Cali Coomay

2.  Shirkii 1946-kii

Shirkan beesha Sacad Muuse qabsatay ayaa ka dhacay magaalada Hargaysa. Ujeedada shirkan ayaa ahayd sidii looga arrinsan lahaa mag lagu xukumay beesha oo lacagteedu xad-dhaaf ahayd. Bal in yar aynu faahfaahino ujeedada magta iyo dilalkaii dhacay.

Nin ka tirsan beesha Sacad Muuse ayaa lagu diley magaalada Hargaysa, ninkaasi waxa la odhan jiray Shamaakh C/laahi Sharmaarke. Waxa ninkaasi diley nin ka tirsan beesha Habar Yoonis. Markii arrintaasi dhacday oo ay labadii beelood aanay weli ka kulmin, ayey niman ka tirsan beesha Sacad Muuse ku kaceen aargoosi ay ku dileen nin ka tirsan beesha Habar Yoonis oo gaadhi ka soo raacay magaalada JigJig ee dalka itoobiy, waxaany ku dileen meesha la yidhaa Gadhyagol oo Hargays kaga beegan koonfur galbeed.

 Ninkan beesha Habar Yoonis ka tirsan wuxuu ka shaqayn jiray magaalada Berber oo wuxuu ka tirsanaa shaqaalaha Maamulkii Ingiriiska ee wakhtigaasi dalka ka talinayey. Ka dib maamulkii ingiriiska ayuu soo gaadhay warkii in la diley nin ka tirsan shaqaalihiisa, ka wuxuu bilaabay inuu xidh-xidho rag lagu sheegay boqol nin oo ka tirsan beesha Sacad Muuse si ay u sheegaan cidii dishay ninkaasi. Arrintaasi waxa xigay inuu maamulkii ingiriisku iskugu yeedhay 50 caaqil oo wakhtigaasi ay lahayd beesha Sacad Muuse.

 Wuxuu amaran ku bixiyey inay bixiyaan 50, 000 oo Rubis. (Rubis waa lacagta Hindiya). Lacagtani waxay ahayd lacag farabadan oo imika u dhiganta Malayan doolar. Ka dib 50-kii caaqil ayaa shir ugu baaqay beesha Sacad Muuse si ay arrintaasi uga wadahadlaan, waana ta keentay shirkan. Shirkii ayaa ka furmay goo ka mid ah dooxa Hargaysa wuxuuna socday muddo dhan laba toddobaad.

 Afar qodob ayaa shirkan lagu qorfeeyey. Waxayna kala ahaayeen:

  1. a.      Sidii loo qaybsan lahaa lacagtan lagu xukumay
  2. b.      Inay xeer noqoto in nin kasta oo beesha ka tirsan oo ingiriiska u shaqeeya magta noocan ah laga bixiyo haddii la dilo
  3. c.       In beel ahaan xeer laga dhigto magaha noocan ah
  4. d.      Wixii laga yeelayo magtan beeshooda oo keliya laga qaadayo, iyadoo beeshii kale aan wax mag ah lagu xukumin.

Qodobadaasi ayaa shirkii beeshu gudogalay waxaana loo falanqeeyey mid kasta dhiniciisa, ka dib waxyaabaha la isku raacay ee shirkaasi ka soo baxay wuxuu ahaa:

ü  In magtii ingiriisku inagu xukumay loo qaybsado saddex qaybood, taaso oo uu soo jeediyey Jiif-caaqil Xirsi Qalinle Guuleed oo ahayd: in Sacad Muuse noqdo saddex kala ah: = Xuseen Abokor   = Jibriil Abokor iyo Baha Sacad.  F.G. Baha Sacad waa wixii aan Xuseen Abokor iyo Jibriil Abokor ahayn.

ü  Inay beeshu magtaasi ku bixiso 7 cisho gudaheed

ü  In mag kasta oo ingiriisku leeyahay sidaasi lagula dhaqmo

ü  Inay ka dacwoodaan in ninkii iyaga laga diley magtiisa ay helaan

Magtii waxa lagu bixiyey mudadii loo qabtay ee 7 cisho, ayuu nin gabay ay tixdiisu ahayd:

Malaayiin nimanka cayntayn u helay maragna loo haysto, muraad li ninka ugu tagow adiga iyo maankaa.

Sixitaan: halkii aan ka qoray 1952-kii waxay sax ku tahay 1946-kii.

 

Cali cabdi coomay

Suxufi, qoraa ah.

B.A in Journalism

Hargaysa, somaliland

calicoomay@hotmail.com

La soco Qaybaha Dambe………