Milicsiga Shirarkii ay hore u soo qabsatay Beesha Sacad Muuse (Qaybtii 3aad) – W/Q: Cali Cabdi Coomay

Cali Coomay
Cali Coomay
Cali Coomay

3. Shirkii 1969-kii

Shirkani wuxuu ka dhacay deegaanka la yidhaa Geed-deeble oo waqooyi kaga began Hargaysa. Ujeedada shirkan ayaa ahayd sidii looga arrinsan lahaa doorashada baarlamaanka oo dhacaysay wakhigaa, in yar ka dib, sidii loogu guulaysan lahaa lix kursi oo degmada Hargaysai ka sharaxnaa. Shirkani wuxuu ahaa shir siyaasadeed.

Qodobada ajandaha shirka ugu jiray waxa ay ahaayeen:

  1. In dhammaan Beesha Sacad Muuse ku guulaysato lixda kursi ee degmada Hargaysa ka kooban tahay.
  2. In la kala reebo xubno Beeluhu dada ka riixayeen oo sharaxnaa
  3. In hal xisbi oo xoogan la soo saaro
  4. In wixii ka soo baxa shirkan lagu wada qanco

Shirka waxa guddoomiye ka ahaa Aw-Cali Cumar. Waxay Beeluhu soo xuleen xubno isugu jira odayaal, aqoonyahano iyo wax-garad. Ka dib waxa la dhaariyey dhammaantood inay ku gancaan wixii ka soo baxa. Ka dib shirkii ayaa gudogalay falanqayntii qodobadii ajandaha ugu jiray.

Waxa markiiba la isku raacay in Beeshu ay muujiso cududeeda oo ay hantido kuraasta Hargaysa, balse waxa la isku mari waayey in la soo saaro liis la isku waafaqsan yahay, oo Beeluhu raali ku yihiin, waana ta keentay caqabada kowaad ee la isku maandhaafay.

Shirka waxa aan ku jirin siyaasiga Cumar Carte Qaalib oo sheegay inuu wato xisbi la odhan jiray UBAX. Waxa kale oo aan ku jirin siyaasiga C/laahi Jire Ducaale oo xubin sare ka ahaa xisbigii dawlada maamulayey wakhtigaasi oo ahaa S.Y.L. labadan siyaasi waxay ahaayeen rag caan ah oo xidigyo ka ahaa garoonada siyaasada, in badan ayey u baaqaysay Beeshu si ay shirka uga soo qaybgalaan, balse way ku gacan saydheen.

Beesha Sacad Muuse waxay ku badnayd xisbiga La odhan jiray Hadhuudhka, in kastoo ay jireen shakhsiyaad ka tirsanaa xisbiyo kale. Shirkii ayaa toos u gudogalay qodobadii hadhsanaa. Ka dib Aw-Cali Cumar ayaa ku dhawaaqay saddexda magaca ee liiska ugu horeey oo kala ahaa: (A) C/laahi Gaaxnuug  (B) Yuusuf Ismaaciil Samatar (Gaandi) (C) Muuse Axmed. Intaasi markay dhacaday ayuu hal mar bilaabmay buuq iyo sawaxan  ergooyinka  ka soo baxayey.

Aw-Cali ayaa ku dadaalay inuu dejiyo buuqa, balse wuu ka sii daray, taaso aakhirkii keentay inay shirka ka baxaan qaar ka mid ah beelaha Xuseen Abokor, oo sheegay inay saluugeen liiska.waxa kale oo iyana ka baxay shirka qaar ka mid ah beelaha Baha Sacad oo iyana wax saluugay. Mushkiladu ayaa ahayd in beel kastaa doonaysay inuu ku soo baxo liiska rag beeshooda ahi, markay ka waayeen ayey ka baxeen shirka.

Waxa bilaamatay waan waan lagu soo celinayo ergooyinkii shirka ka cadhooday, balse way shaqayn wayday arrintaasi. Ka dib ergooyinkii shirka ka cadhooday ayaa soo galay magaalada Hargaysa, halkaasina shirkii ayaa ku burburay, waana ta keentay in lagu kala kacay. Arrintani waxay iftiiminaysaa in beesha Sacad Muuse aanay ku heshiin shirarka siyaasada.

Oday caan ah oo lagu yaqaan murti iyo geesinimo oo magaciisa la yidhaa Xaaji Cumar Qawdhan oo shirkan goobjoog ka ahaa ayaa sharaxaya sababta keentay burburkan shirka” beesha Sacad Muuse waxay u badan yihiin ilbax, hantiile, aqoonyahan, reer magaal markaa waxa is-jiidhaya ilbaxnimadii, hantidii, aqoontii iyo reer magaalnimadii, taasina waa ta keentay nuqsaanta haysata beesha”. Oday kale oo ina hadalyaqaan ahaa oo shirka goobjoog ka ahaa oo la odhan jiray Jaamac Geele ayaa la weydiiyey bal inuu shirkii ka waramo wuxuu yidhi” shirkii wuxuu noqday Raad-magaalo”. Yacnihii meel loo raaco maleh.

Xisbiyadii ay hogaaminayeen rag ka soo jeeda beesha Sacad Muuse:

  1. Xisbigii Ubax——–waxa hogaaminayey Cumar Carte Qaalib
  2. Xisbigii Dabka—– waxa hogaaminayey C/laahi Omaar
  3. Xisbigii Hadhuudho—-waxa hogaaminayey C/laahi Gaaxnuug
  4. Xisbigii Gudinata iyo Gari—–waxa hogaaminayey Daahir Cawr
  5. Xisbigii Xaqa iyo Miisaan—–waxa hogaaminayey Sh. Yuusuf Sh. Cali Sh. Madar
  6. Xisbigii S.Y.L ———–waxa xubin sare ka ahaa C/laahi Jire

 

Xigasho:

Diwaanka Taariikhda Prof: Ibraahim Maygaag Samatar

Cumar Qawdhan (goobjooge)

Gahayr Boodhle (goobjooge)

          Cali cabdi coomay

          Suxufi, qoraa ah.

         B.A in Journalism

        Hargaysa, somaliland

        calicoomay@hotmail.com