Milateriga Burundi Oo Sheegay Inay Af-gembi Kula Wareegeen Madaxtooyada Dalkaas

Bujumbura, (SLPost)-  Sarkaal ka tirsan milateriga Burundi ayaa sheegay in madaxweyne  Pierre Nkurunziza ay ciidamadu kala wareegeen hogaankii dalka.Burundi Coup

Maj Gen Godefroid Niyombareh ayaa ku dhawaaqay in la dhisay guddi loo bixiyay guddida badbaadinta qaranka, si ay dalka u maamulaan, balse iyadoo aanu weli hadal madaxweynaha la sheegay in xilka laga tuuray ayaan la garan karayn taageerada iyo awoodda ay ciidamada xukunka la wareegay ku dhex haystaan bulshada dalka Burundi.

Madaxwayne Nkurunziza ayaa ku sugan dalka Tanzania oo uu kula kulmayo hogaamiyeyaasha bariga Afrika si ay dhibaatada Burundi uga wada hadlaan. Waxaanay la-taliyayaashiisu ku tilmaameen afgambiga mid kaftan ah oo aan jirin.

Ciidamada ammaanka ayaa xoog ku kala kaxeeyay dad mudaharaadaya maanta magaalada Bujumbura, iyagoo u adeegsaday suntan dadka kaga ilmaysiisay iyo rasaas nool.

Xasilooni-daradan aafaysay dalka Burundi ayaa bilaabantay 26 bishii hore ee April, waxaana ku dhintay in ka badan 20 qof, iyadoo maanta la filayay madaxweynaha Burundi inuu hor-fadhiisto qaar ka mid ah dadkii ku boorinayay inuu ka tanaasulo rabitaankiisa oo ay ka mid yihiin

hogaamiyeyaasha dalalka bariga Afrika, kuwaasoo shir ay ku yeelanayeen Tanzania waxay doonayaan inay badbaadiyaan heshiis 15 sano ka hor Daras-salaam lagu saxeexay, kaasoo lagu soo afjaray dagaalkii sokeeye ee Burundi.
Somalilandpost.net