Milatariga Afganbiga Sameeyay ee Burkina Faso Oo Ogolaaday Inay Shacabka Ku Soo Celiyaan Xukunka

Burkina Faso(SLPost)-Ergadii dhexdhexaadinaysay afgambiga dalka Burkina Faso ayaa tilmaamay in ay xal gaadheen oo la soo celinayo maamulkii ku meel gaadhka ahaa.

Ergada ka socotay Ecowas ayaa waxa ay Jimcihii gaadheen magaalada Ouagadougou, ee caasimadda u ah dalkaas, si ay u dhexdhexaadiyaan qalalaasaha siyaasadeed ee bilowday maalmo ka hor kaddib markii ay milaterigu afgambi ka sameeyeen dalkaasi yar ee aan dekadda lahayn ee ku yaal Galbeedka Afrika.

Baaqan ayaa yimid kaddib maalmo ay socdeen mudaharaadyo, cambaareyn caalami ah oo ku aadan afganbiga millitari iyo cunaqabatayno ay soo rogeen Midowga Afrika. Galinkii dambe ee Sabtidii ayaa Boni Yayi oo ah madaxwaynaha Benin isla markaana ah dhexdhexaadiye ka socda ururka Ecowas waxa uu sheegay in ciidammadii ka dambeeyay afgambigii todobaadkan ka dhacay Burkina Faso ay ogolaadeen in ay soo celiyaan xukunkii madaniga ahaa.

Sida ay sheegayaan xubna sarsare oo ka tirsan golaha kumeel gaadhka ah ee dalka, heshiiska ayaa dhigaya in xukunka lagu soo celiyo madaxweynihii kumeel gaadhka ahaa iyo in todobaadyo gudahood lagu qabto doorasho loo dhan yahay oo dimuqraadi ah.

Madaxweynaha kumeel gaadhka ah ee labada maalmood u xidhnaa hogaamiyayaasha afgambiga ayaa Jimcihii loo ogolaaday inuu gurigiisa aado. Magaalooyinka waa weyn ee Burkina Faso, ayaa waxaa wadooyinka isugu soo baxay kumannaan mudaharaadayaal ah oo ka soo horjeeda awoodda xoogga lagula wareegay.

Wax ka yar bil ayaa ka harsan doorashooyinka madaxtinimada iyo kuwa baarlamaanka ee la qorsheeyay in ay dalkaasi ka dhacaan 11-ka bisha October ee soo socota.Ku dhawaad muddo sanad ah ka hor ayaa Burkina Faso waxaa laga dhisay maamul kumeel gaadh ah kaddib markii madaxweyne Blaise Compaore lagu riday kacdoon dadweyne, isaga oo xilka hayay 27 sano.