Marka hore Mahad oo dhan aan u celiyo Eebe weyne, Allaha Mohamed Samo ku uumay.
Akhristayaal qalinka waxa aan u qaatay in aan si kooban kelmad uga yidhaa miisaaniyada 2013 ee wasiir C/casiis Maxamed Samaale hor geeyay golaha wasiirada maalintii sabtidii iyada oo inta aanan u gelin miisanayadan 2013 ku noqon doona tii 2012 ee Eng Maxamed Xaashi Cilmi.
Aniga oo aan ku dheeraanayn waxa aan is barbar-dhigi doonaa miisaaniyada 2013 ee wasiir C/casiis Maxamed Samale soo bandhigay iyo tii kal hore uu wasiirkii hore Eng. Maxamed Xaashi Cilmi soo gudbiyay, waxyaabaha xukuumadu balanqaaday in ay miisaaniyada ka muuqan doonto ee hadana ka madhan, meelaha ay ku haboonayd in loo kordhiyo kharashaadka iyo meelaha ay ahayd in loo yareeyo.
Wasiirka Maaliyada ayaa tan iyo maalintii uu xilka kala wareegay wasiirkii uu bedelay waxa uu halgan dheer u galay sidii uu miisaniyada u dhaafin lahaa halkii wasiirka hore gaadhsiiyay, iyada oo maqaalkeygani ku koobnaan doono miisaaniyadii Maxamed Xaashi gudbiyay sanadkii hore 2012kii.
Eng. Maxamed Xaashi Cilmi ayaa ku guulaystay in miisaaniyada Somaliland oo dhaafi jirin $ 70million in uu kor u qaaday isla markaana ka dhigay $106million.
Maxamed Xaashi waxa uu yimid wasaarada oo haawanaysa , wax aduuna ama lacaga oo u yaalina aanu jirin kayd hadalkiiba daa oo dayn baa lagu leeyahay wasaarada, meel aad wax ka bilowdo iyo si aad tidhaa la garan maayo oo xaalku waa Allow sahal dalkuna maraxalad kala guur ayuu galay oo laba dowladood is bedeleen. bal adba.
Eng. Maxamed Xaashi waxa uu markiiba ku guulaystay in uu bixiyo dayntii lagu lahaa shaqo wacana waa uu ka qabtay oo Alle wuu u suurto galiyay waxqabad muuqda oo laga markhaati kacayo.
Inta aanan u gudbin shaxda wasiir samaale aan idiin soo gudbiyo meelaha wasiirkii hore wax ka qabtay:
Eng. Maxamed Xaashi Somaliland Budget 2012
1. Waxbarashada(Education):
– Waxa uu free ka dhigay dhamaan dugsiyada hoose/Dhexe ee magaalooyinka Somaliland.
– Kordhinta iyo tayaynta macalimiin Wasaarada waxbarashada.
– kordhinta mushaaharooyinka macaliminta (salary)
– Kabista dakhliga jaamacadaha.
2. Caafimaadka(Health):
– Waxa uu markii u horaysay dalka keenay mishiinka kalyaha sifeeya oo ay ku baxday lacag dhan $42000.
– Waxa uu dakhli kabis u sameeyay shaqaalaha dowlada ee xanuunsada, salaadiinta, cuqaasha iyo dadka bulshada hormuudka u ah.
– Waxa uu hubin dheeraada (checking) ku sameeyay kharashaadka caafimaad ee madaxda ku baxa, iyada oo tusale aynu u soo qaadanayno in markii uu isagu xanuunsaday (Maxamed Xaashi) uu madaxweyne siilaanyo u diray lacag dhan $10,000 iyada oo Maxamed Xaashi lacagtaasi ka isticamaalay wax ka yar $2000 intii kalena dalka u soo celiyay.
3. Ciidamada(Army):
– Ciidamada Qaranka ayuu markuu u horaysay taariikhda u kordhiyay mushaharooyinkii iyada oo uu 100% uga dhigay.
– Tusaale ahaan, halkii ay ciidamadu ka qaadan jireen SL 300,0000 wax uu gaadhsiiyay SL 600,000 iyada oo korodhsiimadana uu sii wadi lahaa.
– Gunada ciidamada oo kordhiyay.
– Dakhli kabis adeega gaadiidka iyo shidaalka ciidamada ah.
4. Ciyaaraha(sports):
– Bixinta kharashkii lagu qabtay ciyaarahii gobolada dalka Somaliland.
– Daryeel dheeraada oo ciyaartoyda gobolada ah.
– Bixinta kharashka binaynta garoomo cusub.
– Daboolida kharashaadka saa’idka ah ee ciyaaraha.
5. Beeraha (Agriculture):
– Budget ay leeyihiin beeruhu ayaa la la dajiyay.
– Wax soosaarka beeraha, iyada oo markii u horeysayna dalka bariis laga beeray oo uu soo go’ay.
6. Hay’adaha Madaxa Banaan
– Markii u horaysay ayuu dajiyay Miisaaniyad (Buget )hay’adaha Madaxa banan loogu talo galay. Hay’adahasi oo kala ahaa;
– Hay’ada la dagalaanka musuqmaasuqa (Anti- Corruption )
– Hay’ada tayada cuntada ( Quality Control)
– Wakaalada Biyaha (Hargeisa Water Agency)
– Hay’ada wadooyinka ( S/land Road Authority)
Meelaha Kale: (Other Areas)
– Qaadka oo lagu cashuuri jiray xiligii wasiir Cawil Cali Ducaale Sl 6000 waxa uu ka dhigay Eng Xaashi Sl 9000 si loo yareeyo dakhliga badan ee dalka dibada uga baxaya (Out of Revenue).
– Waxa uu Eng. Xaashi keenay waxa loo yaqaan Transfer of Export ama Check-and Balance oo hirgashay markii la is waydaarsaday in Ethiopia qaadka inoo keento inaguna (S/land) aynu u dhoofino Milixda iyo Kalluunka.
– Gaadiidka yaryar oo cashuurta uu ka fudaydiyay.
Development Program Budget: Horumarinta Mashaariicda
– Waxsoosaarka iyo beeraha
– Biyo-xidheenada
– Caafimaadka
– Waxbarashada
– Biyaha
– Wadooyinka
– Ganacsiga
– Tamarta iyo shidaalka
Waa meelaha uu wax ka qabtay Wasiirkii hore ee maaliyada Eng. Maxamed Xaashi Cilmi.
Intaas ayaan ku soo afmeerayaa miisaaniyadii 2012 ee Eng.Maxamed Xaashi , waa inoo maqaalka xiga iyo Miisaaniyada 2013 ee wasiir C/casiis Maxamed Samaale Hadii Eebe idmo.
Qalinkii: Hamse Haji Mohamed (Rantiisi)
BA in Economics