Midowga Yurub oo War-murtiyeed Digniin, Dar-dargelin iyo Dar-daaran ah ka soo saaray Qabsoomidda Doorashada Madaxtooyada + faahfaahinta Kulan ay la qaateen Qaybaha Siyaasadda Somaliland

Nairobi (SLpost)- Wefti sare oo ka socda Saaxiibada beesha caalamka ee Somaliland kala shaqeeya dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinka, ayaa maanta socdaal ku yimi magaalada Hargeysa, waxaanay kulamo la yeesheen madaxweyne Siilaanyo, Axsaabta siyaasadda iyo Guddiga Doorashooyinka.

Weftiga oo ka koobnaa Safiirrada Dawladaha Denmark, Midowga Yurub iyo wakiillada dalalka Ingiriiska, Finland, Faransiiska iyo Holland, waxa kulamo la qaateen Madaxweynaha, saddexda murashax iyo guddiga doorashooyinka, waxaanay kala hadleen sidii loo ilaalin lahaa geeddi-socodka diyaar-garowga doorashooyinka iyo sidii ay ugu qabsoomi lahayd nidaam xor iyo xalaal ah oo dhinac waliba aqbalo natiijada ka soo baxda.

EU_somHadda, war-murtiyeed Midowga Yurub ka soo saaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo nuqul ka mid ah oo luuqadda English ku qoran soo gaadhay warbaahinta Somalilandpost, ayaa lagu sheegay in midowga Yurub u caddeeyey dhinacyda ay la kulmeen taageerada ay u hayaan doorasho xor ah loona dhan yahay oo 13ka bisha November ka qabsoonta dalka isla markaana ay ku boorriyeen murashaxiinta inay aqbalaan natiijada ka soo baxda nidaam doorasho oo caqli-gal ah.

War-murtiyeedka waxa lagu yidhi, “Beesha Caalamku waxa ay tilmaantay in geeddi-socodka diyaar-garow ee doorashada ay gacanta ku hayaan guddiga doorashooyinku ay wanaagsan u socoto.

Diyaarinta  diiwaangelinta codbixiyaha iyo qaybinta kaadhka codbixiyaha, anshixinta ama aqoonsiga murashaxiinta madaxweynaha iyo kuxigeenka iyo digreetada madaxweynuhu ku badhi-taageeray adkeyta iyo cadaaladda ololaha doorashada, waa tallaabo muhiim ah oo hore loo qaaday. U hoggaansanaanta digreetooyinkan iyo xeerarka anshaxa ee xisbiyadu gaadheen waa muhiim, marka lagu daro in axsaabta siyaasaddu u sinnaadaan warbaahinta. Iyadoo ah Shan todobaad ka hor xilliga doorashada, weftigu waxay ku dhiirrigeliyeen axsaabta siyaasadda, Guddiga doorashooyinka, Ururrada bulshada rayidka inay si wada-jir ah uga wada shaqeeyaan qabsoomidda doorasho madaxweyne oo loo dhan yahay si nabad ahna ku dhacda.”

“Maanta, waxaanu ugu baaqnay saaxibbadayada Somaliand inay ixtiraamaan nidaamka sharci iyo hannaanka u dejisan, la garab-istaago go’aamada ay dejiyeen hay’adaha sharcigu u jideeyey, laguna dhagsanaado ballamaha la jideeyey.” Sidaas ayaa lagu yidhi war-murtiyeedka.

Waxa war-murtiyeedka lagu sheegay in ururrada Bulshada Rayidka ahi ay maamuli doonaan hawl-galinna doonaan 620 goob-joogayaal maxalli ah oo ay weheliyaan 60 goob-joogayaal madax-bannaan oo caalamka ka kala socda.

“Beesha Caalamka ee wada-shaqaynta la leh Somaliland, waxay hoosta ka xarriiqday in qasoomidda doorasho si nabad ah, macquul ah isla markaana xor iyo xalaal ah ku dhacda 13-ka November, axsaabta siyaadduna si furan uga qayb-qaataan natiijadeedana u hoggaansamaan, isla markaana lagu xigsiiyo qabsoomidda doorashooyinka Baarlamaanka iyo dawladaha Hoose, in ay tallaabooyinkaas oo dhami ay beesha caalamka tusayso qaan-gaadhnimada geeddi-socodka dimuqraadiyadeed ee Somaliland.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-murtiyeedka.

Waxa kale oo war-murtiyeedka lagu sheegay. “Waxaas oo dhami waxay seeska u taagayaan sii socoshada horumarka dhaqan-dhaqaale oo ay ka faa’idaystaan shacabka Somaliland.

Beesha Caalamka ee danaysa Somaliland waxay sii wadi-doontaa inay taageerto si dhawna ula socoto diyaar-garowga iyo qabsoomidda doorashooyinka madaxweynaha.”