Midowga Yurub oo Bayaan ka soo saaray Xukun Qisaas ah oo Somaliland ku fulisay Lix Gacan-ku-dhiigle

 

Hargeys (SLpost)- Midowga Yurub, ayaa bayaan uu soo saaray maanta ku cambaareeyey Xukun Qisaas ah oo Dowladda Somaliland ku fulisay Lix gacan-ku-dhiigle oo Maxkamadaha dalku ku xukumeen kaddib markii lagu helay dambiga ah inay dilal geysteen.

Ciidammada Ammaanka Somaliland, ayaa 26-kii bishan dil qisaas ah ku fuliyey Lixda Marxuum oo lagu toogtay barxad bannaan ku ka soo horjeedda Xabsiga Mandheera ee Somaliland.

Bayaan ay si wada-jir ah u soo saareen Midowga Yurub, Norway iyo Dowladda Ingiriiska, ayaa lagu sheegay inay aad uga xumaadeen maqalka warku ku saabsan xukunka qisaasta ah ee dowladda Somailand ku fulisay 6 gacan-ku-dhiigle, balse waxa ay sheegeen inay sii wadayaan dedaallada caalamiga ah ee ku wejahan wax ay ku tilmaameen ‘cidhib-tirka ciqaabka Dilka’.

Warka ka soo baxay Xafiiska Midowga Yurub ee Arrimaha Soomaalida oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay warbaahinta Somalilandpost, ayaa u qornaa sidan:-

“Hawl-galka Midowga Yurub waxay soo saarayaan bayaanka soo socda oo ay heshiis ku Yihiin Madaxda Midowga Yurub, Madaxda Ergada Norway iyo Boqortooyada Ingiriiska.

Midowga Yurub wuxuu aad uga xumaaday warka ku saabsan dilka 6 maxbuus oo la xukumay oo ku xirnaa xabsiga Mandheera, Somaliland, 26kii Nofeembar 2020.

Midowga Yurub wuxuu mowqif adag ka taagan yahay ciqaabta dilka, waxaanu ka soo horjeedaan adeegsiga ciqaabta dilka xaalad kasta ha noqotee. Ma jiraan caddaymo adag oo ka markhaati kacaya in ciqaabta dilka loo adeegsado iyadoo dambi laga hortagayo oo aan ka waxtar badnayn Xadhigga. Wixii khaladaad ah  ee aan lagaga hortegi karin nidaam kasta oo sharci, waa kuwo aan laga soo kaban karin.

Midowga Yurub wuxuu sii wadi doonaa taageerida isbeddelka Caalamiga ah ee ku wajahan ciribtirka ciqaabta dilka.” Sidaas ayaa lagu sheegay bayaanka ka soo baxay Midowga Yurub.

Somalilandpost.net

contact@somaliladpost.net