Midowga Yurub iyo Sweden Madaxweynaha Somaliland ku ammaanay hirgelinta Dooraashadii Deegaanka iyo Wakiillada

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu qasriga Madaxtooyada kulamo kala duwan kula qaatay Safiirrada cusub ee Midawga Yurub, Amb. Tiina Intelmann iyo Dalka Sweden Amb. Per Lindgarde oo safarkoodii u horreeyey ku yimid Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa safiirrada cusub ku soo dhaweeyey dalka Somaliland, sidoo kalena waxa uu xog-warran buuxa ka siiyey horumarka ay ku tallaabsatay Jamhuuriyadda Somaliland soddonkii sanno ee u danbeeyey, iyadoo ay isku duuban yihiin shacbi iyo dawladba, taas oo keentay in qaranka Somaliland noqdo dal ay ka hana qaadeen doorashooyin Dimuquraadiya oo soo jiitay indhaha caalamka,kana jirto nabadgelyo iyo xasillooni buuxda, arrimahaas oo ah kuwo lagu majeerto, tusaalooyin wacanna u ah dunida inteeda kale.

Kulamadan, ayaa sidoo kale lagaga wada hadlay xoojinta xidhiidhka ka dhexeeya midawga Yurub iyo dalka Sweden, lana dardar geliyo mashaariicda horumarineed, hadday tahay kuwii socday iyo hadday tahay kuwa cusub ee sannadaha soo socda qorshaysan. Sidoo kale waxa kulamadaasi lagaga wada hadlay hawlaha doorashooyinka iyo arrimaha mandaqadda geeska Afrika.

Wufuudda, ayaa dhinacooda waxa ay madaxweynaha iyo shacbiga Somaliland ku bogaadiyeen horumarka iyo hiigsiga ka socda kana muuqda Somaliland ee ah inay noqdaan kuwo ka gun gaadha himilooyinkooda fog iyo kuwa dhawba, waxa kale oo ay ku hambalyeeyeen xukuumadda arrimaha doorashooyinka Somaliland, iyagoo ballan qaaday inay halkaa ka sii anba qaadi doonaan xidhiidhadii wanaagsanaa ee horeba u socday ee ka dhexeeyey Somaliland, Midawga yurub iyo  Sweden.

Waxaana kulankaa madaxweynaha ku wehelinaayey wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ahna ku simaha wasiirka, Mudane Cabdinaasir Cumar Jaamac.

Dhinaca Wufuuda waxa safiirka Midawga Yurub ku wehelinaayey Ms Maria Groeneveld oo ah maareeyaha Barnaamijyada ee Midawga Yurub iyo Mr Cadnaan Axmed oo ka socday xafiiska Somaliland ee Midawga Yurub.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net