Midowga Afrika oo QM ka dalbaday Xayiraad la saaro Garoommada iyo Dekedaha ay Al-shabaab haysato

Addis Ababa, (SLpost)- Ururka Midowga Afrika ayaa ka codsaday dalalka awoodda leh ee dunida inay ka hortagaan khatar ay sheegeen inay kasoo fool-leedahay Kooxda Al-shabaab, iyagoo sidoo kale codsaday in la qaado tallaabooyin lagu saarayo cunno-qabateyn garoommada iyo dekedaha ku yaalla gobollada ay maamusho Al-shabaab.

Kooxda Al-shabaab oo xidhiidh dhow la leh Al-Qaacida ayaa tan iyo 2007-dii gacanta ku haysay inta badan gobollada ku yaalla Koonfurta iyo badhtamaha Somaaliya, isla markaana bishii hore faaruqisay fadhiisimo ay ku lahaayeen Muqdisho, taasoo rajo weyn gelisay dowaldda KMG ah oo hore ugu sugnayd qaybo yar oo Muqdisho ka tirsan.

“Waxaynu dhammaanteen is-dhaafsannay warar, waxaynu isla garanay in la joogo xilligii arrinta Soomaaliya loo waajihi lahaa si ka duwan sidii hore,” ayuu ydhi Ramtana Lamamra oo ah guddoomiyaha golaha nabadda iyo ammaanka ee Midowga Afrika.

“Waxaa jira waxoogaa wareer ah oo ku saabsan nabad ilaaliyeyaasha midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya. Waayo ma haystaan qalab ku filan, sidoo kalena ciidanka DKMG ah awood uma laha inay shaqooyinka oo dhan qabtaan, basle horumar yar ayay sameeyeen markii Al-shabaab ay ka baxday Muqdisho,” ayuu mar kale yidhi.

Soomaaliya wax dowlad ah kama jirin tan iyo sannadkii 1991-kii markaasoo jabhado hubeysan ay xukunka ka tuureen dowladdii uu hoggaaminayay Maxamed Siyaad Barre., iyadoo Al-shabaab oo jirta muddo afar sano ah ay dagaallo kula jirto DKMG ah ee ay taageerto Qarammada Midoobay iyo ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Ururka Midowga Afrika ayaa sannadkii hore ugu baaqay Qarammada Midoobay inay cunno-qabteyn saarto garoommada iyo dekedaha ku yaalla gobollada ay Al-shabaab maamusho, si looga hortago inay hub iyo dagaalyahanno kasoo dagaan, balse weli lama fulin codsigaas.

Qarammada Midoobay ayaa toddobaadka soo socda ku qabanaysa New York shir lagaga hadlayo arrimaha Soomaaliya, iyadoo Lamamra uu sheegay in rajo weyn uu ka qabo shirkaas, isagoo sheegay inuu filayo inay kasoo baxaan qorshayaal lagaga hortagayo Al-shabaab.

“Waxaanu sheegaynaa in codsiyada iyo talooyinkeenna ay tixgelin doonto Qarammada Midoobay. Waxaananu rummeysannahay in la joogo xilligii la fulin lahaa codsiyada Midowga Afrika, si wax looga badalo xaaladda Soomaaliya,” ayuu raaciyay hadalkiisa Lamamra.

Dalka Soomaaliya waxaa xilligan ka taagan abaar iyo macluul daran, waxayna Qarammada Midoobay sheegtay inay macluusha iyo abaartu dilaan maalin walba kumanaan qof.

Somalilandpost.net

Editor@somalilandpost.net