Midowga Afrika oo markii ugu horeysay Guddoomiye u doortay Haweenay

Addis-Ababa (SLpost)-Magaaladda Adis Ababa ee dalka Itoobiya waxaa lagu soo gaba gabeeyay Shir madaxeedkii midowga Afrika.Kulanka ayaa madaxda midowga Afrika waxaa ay kaga hadleen arimo badan oo ay ugu horeysay cida noqonaysa hogaamiyaha cusub ee badalaya Jean Ping.

Xilkaas ayaa waxaa ugu danbayn loo doortay Wasiirka Arimaha gudaha dalka K/Afrika ahna Haweenayda uu qabo madaxweynihii hore ee K/Afrika Jacob Zuma.

Ms Dlamini-Zuma oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Koofur Afrika ayaa doorashadan kaga guulaysatay  Gudoomiyaha Midowga Afrika Jean Ping oo ka soo jeeda dalka Gabon kaas oo tartan xoogan uu umuujiyay guusha.

In HAweenaydan loo doorto jagada gudoomiyaha Midowga Afrika ayaa waxaa ay jabinaysaa xeerka MIdowga Afrika ee ah in aan haweenay loo dooran karin xilkaas, iyadoo Ms Dlamini-Zuma ay noqonayso gabadhii ugu horeysay ee xilkaas qabata.

 Labadan xubnood waa Dlamini-Zuma iyo Jean Ping ayaa bishii Janaayo ku kala bixi waayay, doorashada, waxaase wareeg afaraad oo ay ku tartameen mar kale ay cododkii loo baahnaa ku guuleysatay Ms Zuma.

Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Sh Shariif Sh Axmed ayaa khudabd uu kaga hadlayo xaalada Soomaaliya ka jeediyay kulankii Madaxda midowga Afrika

Waxaa uu sheegay in dowladiisa ay samaysay hormar balaaran isagoo umahadceliyay dalalka AFrikaanka ah ee ciidamada ku taageeray dowladiisa.

SomalilandPost.net