Midowga Afrika oo ka soo horjeestay qaabka ay dowladda Somaliya maamulada ugu sameynayso gobolada Soomaaliya

ADDIS-ABEBA: (SLPOST) Midowga Afrika ayaa ka hadlay markii  ugu horeysay isbedelada ay ku sameynayso dowladda Soomaaliya maamulada gobolada dalka oo ay ku jirto magaalada Muqdisho,

Midowga-Afrika

waxayna sheegeen Midowga Afrika inaysan la dhacsaneyn oo aysan raali ka aheyn qaabka ay dowladda Soomaaliya wax u waddo, sidoo kalena ay  ka soo horjeedaan sida ay dowladda Soomaaliya u dhiseyso maamulada gobolada dalka.

Ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya Maxamed Saalax Annadiif oo la hadlay warbaahinta dibadaha la hadasha ayaa sheegay in Midowga Afrika aysan ku qanacsaneyn  qaabka ay dowladda Soomaaliya u dhiseyso maamulada dalka, wuxuuna intaasi ku daray in qaab aan aheyn qaabkii lagu balamay ay wax u waddo dowladda Soomaaliya sida uu yiri

 “Ma jeclin sida dowladda Soomaaliya ay u wajaheyso dhisidda maamulada meelaha Al-shabaabka laga saaray, runtii waan ka xunnahay sida ay hadda wax u socdaan oo ay dowladda Soomaaliya wax u maareynayso” ayuu yiri Ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya Maxamed Saalax Annadiif.

Ergaygu waxaa kale oo uu sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay iyadu sheegtay inay la tashadeen xildhibaanada ka soo jeeda deegaanada laga saaray Al-shabaab balse iyagu aysan la dhacsaneyn qaabka loo marayo dhismaha maamulada dalka, ayna tahay in loo maro si waafaqsan dastuurka dalka u degan iyo heshiiskii horay u dhexmaray Midowga Afrika, IGAD iyo dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale ergaygu waxa uu sheegay inay doonayaan inay dadka doortaan hogaamiyeyaasha ay iyagu rabaan, balse aanan kor looga keenin kuwa lagu sanduleynayo, wuxuuna intaasi ku daray in heshiikii ay dowladda la galeen ay aheyd in dadka deegaanku ay iyagu doortaan dadka ay rabaan balse aan lagu sanduleyn dad kale oo banaanka looga keeno sida uu hadalka

 Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland