“Midnimadii Somaliland Iyo Somalia Waxa 1977 Kharibay Siyaad Barre, Waxaana Sannadkan Sii Baabi’iyay Xasan Sheekh” Ismaaciil Buubaa

Hargeysa  (SL.Post) Siyaasiga Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa), ayaa tilmaamay in Maxamed Siyaad Barre uu sannadkii 1977 qaribay midnimada Somaliland iyo Somaliya ee lixdankii, islamarkaana uu Madaxweynaha hadda ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud sannadkan 2016 sii aasay.

 

ismaciil-Buubaa

Prof Buubaa, ayaa qoraalo uu baahiyay, wuxuu kaloo ku sheegay in madaxbanaani buuxda oo ay Somaliland heshaa faa’iido u tahay dalalka Kenya, Djibouti iyo Itoobiya islamarkaana ay kor u qaadayso ammaanka iyo degenaanshaha gobalka Geeska Afrika, “Midnimadii lixdankii ee Somaliland iyo Somaliya waxa qaribay Siyaad Barre sannadkii 1977, waxaana sannadkan 2016 sii baabiiyay Xasan Sheekh Maxamuud.” ayuu yidhi Buubaa.

 

Isagoo ka hadlaya faa’iidada aqoonsiga Somaliland u leeyahay gobalka Geeska Afrika, wuxuu yidhi  “Kenya, Itoobiya iyo Djibouti dhammaantood way ka faa’iidi doonaan aqoonsiga Somaliland, nabadgelyada iyo amniga gobalkuna wuu si wanaagsanaan doonaa.”

 

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu Prof Buubaa yidhi “Madaxbanaani sharci ah oo Somaliland la siiyaa waxay xal u noqon doontaa caqabadaha siyaasadeed ee horyaala nabad ka dhex aslaaxda dalalka gobalka Geeska Afrika.”

 

Somalilandpost.Hargeysa