Midawga Yurub Oo U Xadhko Xidhay La Dagaalanka Dadka Shacuurta La Baxsada

EU(Slpost)-Shanta wadan ee ugu dhaqaalaha badan Midowga Yurub waxa ay ogolaadeen inay si wadajir ah uga wada shaqeeyaan la dagaallanka dadka aan dooneyn inay canshuuraha bixiyaan ee la baxsada ama ka dhuunta.

EU

Waxay sidoo kale dalalka warshadaha leh ee G-20 xubnaha ka ah ku boorinayaan inay arrintaasi tusaale ka qaataan.

Britain, Jarmalka, Faransiiska, Taliyaaniga iyo Spain waxa ay wadaagi doonaan xogta ku saabsan dadka sida sirta ah u leh shirkadaha iyo hay’adaha.

Waxa ay sidoo kale qorsheynayaan inay sameeyaan diiwaanka madow, sida kii Panama, kaas aan ka shaqeyndoonin diiwaangelinta macluumaadka dadka canshuurta aan bixin.

Asigoo ka hadlaayay shirka IMF ee Washington, madaxa maaliyadda Britain, George Osborne, waxa uu sheegay in heshiiskan uu dhabarjab ku noqonayo kuwa qarinaya xogta canshuurtooda.

Tallaabadan ayaa waxa ay daba socotaa dusinta warqadaha Panama, laakiin dadka wax dhalleceeya ayaa sheegaya in tallaabadan aysan meel fog oo looga hartoga canshuur la baxsadka aysan gaareynin.