Midawga Yurub Oo Ku Heshiiyay Inay Awood Ciidan U Adeegsadaan Tahriibayaasha Liibiya

Brussels, (SLpost)- Wasiirrada difaaca iyo arrimaha dibadda ee Midowga Yurub ayaa ansixiyay qorsheyaal lagu sameynayo ciidan baddeed la dagaallama mukhalasiinta dadka tahriibiya ee jooga Liibiya.Muhajiriin

Haweenayda Midowga Yurub u qaabilsan siyaasadda, Federica Mogherini, ayaa sheegtay in hawlgalku uu isku dayi doono inuu kala dhantaalo, qaabka ganacsiga ah ee shabakadaha dadka sida sharci darrada ah uga gudbiya badda Mediterranean-ka.

Midawga Yurub ayaa ku tallo jira in hawlgalka ciidan uu bilaabmo bisha soo socota, iyadoo xaruntiisu noqon doonto caasimada Roma ee dalka Talyaaniga.

Ciidammada badda ee Midowga Yurub uu diyaarinayo ayaa waxaa hoggaamin doona Adm Enrico Credendino, oo u dhashay dalka Talyaaniga ahaana taliyihii hawlgalka Midowga Yurub ee la dagaallanka budhcad baddeeda Soomaaliya.

Midowga Yurub ayaa xakameyn la’ muhaajiriin sharci darro ah, oo kaga imanaya qaaradaha Afrika iyo Aasiya, iyaga oo si ay Yurub usoo gaaraan soo mara badda Mediterranean-ka.

Dalka UK ayaa door muhiim ah ka qaadanaya sidii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu u meel marin lahaa, qaraar Midowga Yurub u oggolaanaya in uu cudud miletari u adeegsado kuwa dadka soo tahriibiya.

Balse safiirka Liibiya u fadhiya Qaramada Midoobay, Ibrahim Dabbashi, ayaa sheegay in dawladdiisa aan lagala tashan hawlgalka la doonayo in dhulkeeda laga fuliyo.

Waxa uu intaa ku daray in qorshaha Midowga Yurub ee ah burburinta doomaha kuwa wax tahriibiya ay ka dhalan karto khasaare ku yimaada dadka rayidka ah.

In ka badan 1,800 oo muhaajiriin ah ayaa sanadkan 2015-ka ku dhimatay badda Mediterranean-ka

Somalilandpost.net.