Midawga Yurub Oo Ku Heshiin Waayay Qaabillaada Muhaajiriinta

Brussels, (SLpost)- Dalalka Yurub ayaa ku guuldareystay in ay heshiis ka gaaDHaan waxay ka yeelayaan kumannaanka magan-gelyo doonka ah, ee gaadhaya dalalka Talyaaniga iyo Giriiga.EU

Laba dal ayaa doonaya in dalalka Yurub ay aqbalaan qaar ka mid ah dadka magan-gelyo doonka ah, balse dalalka ku yaalla bariga Yurub, sida Poland iyo Hungry ayaa diidan in tiro go’an loo cayimo.

Guddoomiyaha Midowga Yurub u qaabilsan muhaajiriinta, Dimitris Avramopolous, ayaa sheegay inuu ku rajo weyn yahay in hoggaamiyeyaasha qaaradda, ee kulmaya todobaadka soo socda, ay arrinta xal u heli doonaan.

Yurub oo ay soo wajahday dhibaatada muhaajiriinta isku soo biimaynaysa badda Mediterranean-ka, ayaa maraakiib iyo diyaarado u dirtay baddaasi, si dadkaasi loo badbaadiyo.

Balse waxa laga yeelayo muhaajiriinta gaadhay xeebaha Yurub, ayaa hadda khilaaf ka dhex abuurtay dalalka qaaradda.

Wasiiradda arrimaha gudaha ee Midowga Yurub, ayaa ku heshiin waayay qorshe labada sano ee soo socota, sida dalalka qaaraddu uga caawinayaan Talyaaniga iyo Giriiga, dib u dejinta 40,000 oo magan-gelyo doon ah.

Qorshaha ayaa wax weyn ka bedeli lahaa nidaamka hadda jira, oo ah in dalka ay kasoo degaan muhaajiriinta uu qaabilo.

Somalilandpost.net