Midawga Yurub oo Diyaarado ku weeraray Xarun Budhcad-badeed iyo Khasaaraha ay geysteen

[X]araar-dheere (SLpost)- Ciidamada Badda Midowga Yurub ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya, ayaa sheegay inay Maanta  weerar ku qaadeen goob ay joogeen kooxo Budhcad-badeed Soomaali ah Xeebaha koonfurta Soomaaliya.

Warka waxa uu intaas ku darayaa in weerarkan ay ka qeyb qaateyn diyaraadaha qumaatiga u kaca ee helicopter-ka, kuwaasoo dhowr jeer gantaalo ku garaacay deegaan u dhow Xarardheere oo ka tirsan Xeebaha gobalka Mudug. Weerarkan waxa la sheegay in uu yahay kii ugu horreeyay ee howlgalka Midowga Yurub ka geystaan gudaha ciidda Soomaaliya.

Afhayeenad u hadashay hawlgalka Midowga Yurub ee dagaalka ka dhanka Budhcad-badeedda Soomaalida, ayaa warbaahinta u sheegtay in Midowga Yurub hawlgalka Xarardheere ay fasax uga qaateen Dawladda Ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya oo ay ku wargeliyeen ka hor intii aanay weerarin Budhcad-badeedda.

Afhayeenku waxay intaa ku dartay inay u arkeen goobta ay weerareen meel lagu hayo Shaqaalaha iyo Maraakiibta la qabto, iyada oo sheegtay inay weerarkaa ku burburiyeen illaa shan Doonyood oo ay Budhac-badeeddu lahayd, isla markaana qayb ka ahaa Doonyaha dheereeya ee ay ku fuliyaan weerarrada ay ku qafaashaan Gaadiidka Badda. Hase-yeeshee, Afhayeenku may sheegin khasaaraha kale ee Budhcad-badeedda loogu geystay Weerarkaas ee dhimasho iyo dhaawac ah.

Waxa hadda la ogyahay in Xeebaha Soomaaliya lagu heysto 17 Markab iyo 300 shaqaale ah, kuwaasoo Budhcad-badeeddu ka doonayso in ay madax-furusho ka qaataan.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net