Midawga Yurub Oo Dacwad Ku Oogay Shirkadda Google

Belgium, (SLP)-  Midowga Yurub ayaa si rasmi ah ugu dacweeyay shirkadda Internetka ee Google inay ku takrifalAyso awoodda ballaadhan ee ay u leedahay suuqa wax ka raadinta internetka.

Midowga Yurub haweenayda u qaabilsan madaxa baadhitaanka ayaa sheegtay in ay ka walaacsan tahay Internetka ballaadhan ee Google inay sababtay in ay hesho faa’iido aan cadaalad ahayn marka la barbardhigo kuwa kale ee bixiya adeega wax kala iibsiga iyo xayeysiinta internetka.

Google ayaa loo qabtay laba todobaad inay kaga jawaabto dacwadda loo soo jeediyay.

Guddiga caalamiga ah ee maamulka internetka ayaa ku baaqay mashruuc heshiis cusub ah, si loo ilaaliyo xogaha gaarka ah iyo ammaanka macaamiisha adeegsata internetka.

Madaxa guddigan ayaa sheegay in ilaalinta xogaha gaarka ahi ay tahay aasaaska xuquuqda aadamaha.

Wararka Caalamka

Somalilandpost.net