Midabka Casi waxa uu soo saaraa Quruxda Gabadha

Washington (SLpost)- Daraasad cusub oo dhawaan la sameeyay ayaa lagu ogaaday in haweenku ay inta badan xidhaan dhar midab cas leh si ay u soo jiitaan indhaha ragga.

Cilmi-baadhistan oo laga qayb-geliyay rag kala duwan, waxa la tusay sawirka haweenay lagu muujiyay midibada kala duwan taas oo ay soo baxday inay aad soo jiidasho u leedahay markii ay xidhnayd dharka midabka casaanka ama lagu nashqadeeyay rinji casaan ah.

Daahfurkan cusub oo ay samayeen khubaro Maraykan ah hoggaamiyena u ahaa Prof. Andrew Elliot oo ka tirsan jaamacaddaRochesteree MagaaladaNew York, waxa ay muujisay in midabka casaanku u taagan yahay astaan jacayl; taas oo ah aragti ay in badan aaminsanaayeen dadyowga ka ganacsada ama sameeya kaadhadhka iyo ubaxyada loo adeegsado Jacaylka.

Professor Elliot, waxa uu leeyahay in inkasta oo midabka casaanku uu yahaykanjidhka bani’aadamka ahi uu ka sameysan yahay, uu haddana si hoose oo qota dheer uu isugu xidhayo noolaha iyo jaceylka.

Waxa uu sheegay in saynisyahanada ay muujiyeen in unugyo khaas ah oo raggu ay leeyihiin si gaar ah usoo jitaan haweenka marka ay sitaan dhar ama waxyaabo midabka casaanka ahi uu ku dheehan yahay.

Cilmi baadhayashaa ayaa tusaale ahaan usoo qaatay, daayeerka oo ah xayawaanka ugu soo dhow bani aadamka,waxayna yidhaahdeen in daayeerka dheddig ay soo bandhigto midabka casaanka, marka ay ay ugxan sidayaasheedu diyaar u noqdaan bacriminta, taasi ookanlab u direysa astaan ah in loo baahan yahay.

Daraasaddan ayaa waxaa ku lug lahaa in ka badan boqol rag ah oo dhigta jaamacado, kuwaasi oo la tusay sawirrada haween kala duwan, waxaana la weydiiyay inay kala qiimeeyaan sida ay haweenkaasi u kala qurux badan yihiin iyo sida ay u kala xulan lahaayeen.

Raggaasi waxaa  la tusay haweenay dhowr sawir oo kala duwan kusoo muuqatay, oo mid ka mid ah sawirada midabka casaanka looga dhigay naqshad iyo kuwa kale oo lahaa midabada caddaanka, cagaarka iyo bunniga.  Iyada oo sawirku uu ahaa mid kaliya iyo haweenay, ayaa raggii su’aalaha la weydiiyay waxay yidhaahdeen in haweenayda ay tahay mid aad soo jiidasho u leh marka ay kasoo muuqatay sawirka midabka cas lagu naqshadeeyay ama frame-ka looga dhigay.

Dhanka kale, cilmi baadhayaasha ayaa markaa kadib koox gabdho da’ yar ah weydiiyay inay qiimeeyaan haddii haweeneyda sawirrada daraasadda lagu muujiyay ay qurux leedahay, hase yeeshee waxay ogaadeen in midabka casaanka ahi aanu wax saameyn ah lahayn marka haweeney ay qiimeyneyso quruxda haweeney kale.

Somalilandpost.net

Editor@somalilandpost.net