Mid Kamid ah Odyaasha Ugu Magaca Weyn Gobolka Awdal oo Ugaaska Beelaha Gadabuursi Gudoonsiiyay Duco Iyo Dardaaran

Boorame, (SLpost)-Odeyga Guud ee Beelaha Maxamed-case ee Dega Gobolka  Awdal islamarkaana kamid ah Odyaasha ugu faca iyo magaca weyn Gobolka ,  Xaaji Daahir Cilmi Kheyre, ayaa barqdii maanta Gudoonsiiyay, Ugaaska beelaha Gadabuursi duco iyo dardaaran dhaxal gal ah kadib markii uu Salaadii Jimce kahor Guriga uu Degan yahay  ee Magaalada Boorame uu ku booqday Ugaaska Beelaha Gadabuursi Ugaas C/rashiid Ugaas Rooble Ugaas Doodi.

Xaaji Daahir Cilmi Kheyre, Odayga Guud ee Beelaha Maxamed-Case, oo uu Gurigiisa maanta ku booqday Ugaaska beelaha Gadabuursi,ayaa sheegay in uu sugayay  mudo badan imaatinka Ugaaska Beelaha Gadabuursi, isagoo ka mahad celiyay in illaahay ku simo isagoo nool in uu ugu yimaado Gurigiisa, waxaana kamid ahaa hadaladaii Xaaji Daahir Cilmi u jeediyay Ugaas C/rashiid Ugaas Rooble Ugaas Doodi “Waxaan goob joog ka ahaa munaasibadii lagugu caleema-saarey ee Muqdisho, maantana ilaahay ayaa nakaa soo gaadhsiiyay anagoo nool  inaad wadankeenii ku soo noqoto,waxaan kuugu ducaynayaa inaad beelaha Gadabuursi, ku hogaamiso wadajir iyo cadaalad, taladoodana lagugu ogaado,waxaanan kugu dardaarayaa, inaanad maqlin waxa lagu kala qeybinayo dadkaaga una debcin wixii tafaaruq iyo kala qeybsanaan wada, mar labaad ayaan anigu cumaamada ku saarey Ugaas-kayagiiyow, waa mid

odaynimo taasi, waanu joognay Caleema-saarkaagii hore waxaan kugu ogahay duco iyo dardaaran”Sidaa waxa yidhi Xaaji Daahir Cilmi Kheyre, Odeyga guud ee Beelaha Maxamed-case kana mid ahaa duqeydii mudada badan u talinaysay Gobolka Awdal.

Waxa kale oo Xaaji Daahir Cilmi Kheyre si kooban uga waramay Taariikhda Ugaasyada Samaroon, oo uu ku sheegay in ay aheyd mid dhaxal gal ah oo laga yaqaano guud ahaanba dhulka Soomaalidu degto, isagoo faafaahin ka bixiyay mudadii Ugaas Nuur, iyo doorkiisii, Sidoo kalena waxa uu madashaasi ka sheegay in uu wakhtigan yahay Da, islamarkaana uu xilkii uu hayn jirey ee Odaynimo ku wareejiyay Suldaan C/raxmaan Muuse Geele.

Madashan uu Mid kamid ah odayada ugu waaweyn ee beelaha Samaroon iyo Gobolka Awdal oo uu Ugaaska Gadabuursi Ugaas C/rashiid Ugaas Rooble Ugaas Doodi, ku booqday Guriga Xaajiga ayaa aheyd madal ay ka muuqato farxad iyo muuqaal qurux badan, waxana goob joog ka ahaa duqey badan oo kasoo jeeda beelaha uu hogaamiyaha u yahay Xaaji Daahir Cilmi Kheyre, iyo madaxdhaqameedka Ugaaska la socday.

Xaaji Daahir Cilmi Kheyre oo ah odayaasha ugu magaca iyo da,da weyn Gobolkan Awdal iyo Somalilandba ayaa, la sheegay in uu kamid ahaa duqeydii reer Awdl ee Ugaaska ku caleema saarey Magaalada Muqdisho, una geeyay Xukuumadii Xiligaa ka talinaysay dalki hore la isugu odhan jirey Soomaaliya.

Somalilandpost.net