Mid ka Mid ah Maayarrada Magaallooyinka Somaliland oo la Xidhay oo Xadhigiisa ku Xidhiidhiyey Saraakiil Bilayska ka Tirsan

Waxaa Igu Dhacay Inqilaab Xoogan Oo Waxa La Igu Handadey Qoryo, Waxaana Ka Dembeeyey….”

Hargeysa (SLpost) Maayar ku-xigeenka magaaladda Baligubadle Mawliid Jaamac Yuusuf ayaa sheegay in ciidamada boolisku ay  kula kaceen fal ka baxsan anshaxa dawladnimada isla markaana ay xadhig sharci darro ah u geysteen xili uu marayay bartamaha magaaladda Hargeysa.

Guddoomiye kuxigeenka golaha deegaanka ee degmada Balligubadle Xil. Mawliid Jaamac Yuusuf oo xalay u warramay Telefishanka HCTV ayaa sheegey isla markaana farta ku fiiqay saraakiil ka tirsan ciidanka booliska oo uu sheegay inay xadhig bilaa sabab ah u geysteen iyaga oo xataa ku xadgudbay xasaannadii qaranku siiyey xildhibaan ahaan. “waxaa igu dhacay inqilaab xoogan aniga oo safar shaqo ku jooga magaaladda Hargeysa, waxaan Sagaalkii subaxnimo la kulmay ninka la yidhaa Gaashaanle faysal Xiis oo Moobilka igala soo hadlay isaga iyo dareewalkiisa, markii aan imidna waxaan ugu imid gaadhigaygii iyagoo hareeraha ka taagan, isla markiiba waxa igu soo booday saddex askari oo hubaysan oo ana qoryaha igu qabtay, waana la igu kaxeeyay, markii aan idhi wax sharci ah oo aad igu kaxaysaan ma haysaan, waxay I yidhaahdeen xeer ilaalinta ayaanu qoraal iyo dhukumenti kaaga sidnaa, waxaanay noqotay wax la waayo, been ka sheegid xeer ilaalinta ah. Markii saldhiga la igeeyay OB-ga ayaa la igu qoray, waxaan ku idhi ; waar xasaanad baan leeyahay oo maayir ku-xigeen ayaan ahay ee maamulkii ha laygu yeedho, waxay iigu jawaabeen; Ma naqaano Maayare Gal!”. sidaas ayuu yidhi maayir ku-xigeenka magaaladda Baligubadle, oo wariyaha HCTV Aadan cabdi Ciidle ugu waramay Hargeysa, waxaana mar uu wariyuhu waydiiyay inay jirto wax kiis ah oo lagu eedaynaynayo iyo jiritaanka in boliisku ka dhaga adaygay xasaanada uu haysto ee golaha degaanka degmada Baligubadle ayaa waxa uu yidhi “sifo sharciya la iima soo marin, waxa la igu handaday, oo waxa la igu qabtay qoryo budhcadnimo ah, waxaana ka dambeeyay faysal Xiis oo isaga ayaa hawshaas watay. Waxa isna labeeya Maxamed-case oo Saldhiga haysta” sidaas ayuu yidhi.

Gebagebadii, maayir ku-xigeenka degmada Baligubadle mawliid Jaamac Yuusuf waxa uu ugu baaqay jananka ciidanka boliiska Sareeye Guuto Cabdilaahi fadal Iimaan inuu arrintaas wax ka qabto oo tallaabada ku haboon ee sharci ah ka qaado