Mid ka mid ah Hoggaanka urur-siyaasadeedka UMADDA oo u digo-rogtay Xisbul-Xaakimka

Prof Axmed Maxamuud Nuur

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiye ku xigeenkii 3-aad ee urur siyaasadeedka Ummadda Prof. Axmed Maxamuud Nuur, oo ka soo jeeday deegaamada Sanaag bari ayaa Maanta shaaca ka qaaday inuu ka baxay Ururkaasi isla markaana uu ku biiray xisbi xaakimka KULMIYE.

Prof Axmed Maxamud Nuur oo shir Jaraa’id ku qabtay huteelka Xaraf  magaallada Hargaysa, ayaa asbaabta u digo rogashada Xisbul Xaakimka Kulmiye,waxa uu ku sheegay in beesha uu ka soo jeedo ay taageereen Gogoshii Nabadda ee Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, waxaa kale oo uu xusay in Xukuumadu ay ku talaabsatay horumar la taaban karo isagoo intaas ku daray laga bilaabo maanta uu ku biiraay Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumada uu hogaaminayo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo).

Prof Axmed Maxamuud Nuur

“Aniga oo ah Guddoomiye ku xigeenkii saddexaad ee urur-Siyaasadeedka Umadda, waxaan halkan ka cadaynayaa inaan iska casilay Xilkii aan u ahay Ururka Ummadda oo aan muddo soo hayey. Maantana aan ku biiraayo Xisbiga Kulmiye. sababaha ugu waaweyn ee keenay waxa weeye in xuduudihii Somaliland ee  dhinaca  Maamulka Puntland ay ka soo xidhmeen oo dalwada maanta joogtaa ay dhamaan dadka xuduudaha degan ay maanta Somaliland yihiin, beeshayduna ay taageertay Xukuumada Silaanyo oo waxbadan ka qabatay Gobolkaas. Kolsoonidiina ay kala noqotay Maamulka Puntland oo ay gogoshii nabada ee Madaxwaynaha. sidaa daraadeed maadaama oo aan ahay beesha siyaasigeedii waxaan ku khasbanahay inaan beeshayda raaco oo aan la shaqeeyo xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye,”ayuu yidhi Guddoomiyihii 3-aad ee Urur-Siyaasadeedka Ummada ka baxay.

Guddoomiye Ku xigeenka sadexaad waxa uu tilmaamay inaanay ururadu ahayn aayad quraan ah isagoo carabaabay in laga bixi karo, “Xilka marwalba waxa la helayaa oo waana wax jira. mar haddii uu qofku muwaadin siyaasiya uu yahay, qof kasta oo muwaadin ahina xaq ayuu u leeyahay inuu xil ka helo dawlada, taana aad-baan ugu han-waynahay. takale ururka waa laga bixi kara waayo. siyaasadu malaha saaxiib joogto,” ayuu yidhi.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net