Meydadka Laba Qof Oo Laga Helay Duleedka Magaalada Gabiley oo aan Wali Haybtooda la Aqoonsan

Gabiley (SLpost)- Waxa ilaa hadda booliska magaalada Gabiley wadaan baadhitaanka laba ruux oo maydkooda laga kala helay duleedka koonfureed  duleedka waqooyigalbeed ee magaalada gabiley, marxuum Axmed Shucayb Ardaale oo ahaa wiil dayar ayaa maanta galinkii dambe waxaa maydkisa laga helay Ceel-biyood ku yaala dooxa

Dhanka kale waxa caawa  isaguna maydkiisa deegaanka Guul-maweydo ee duleedka koonfureed ee magaalada Gabiley  laga helay Marxuum magaciisa lagu sheegay Faysal Xuseen Maxamed oo, inkastoo aan si buuxda loo caddayn, wararka qaar sheegayaan inuu  qabay xanuun xaga dhimirka ah kaas oo isku is dal-dalay Geed ku yaala duleedka magaaalada.

breaking-news

Weriye Cabdikariim Axmed (Qaamuus)

Gabiley